Riyada gacan gaaban maxay noqon kartaa

Su’aasha:

Asc walaal maxay noqon kartaa riyada qofka oo hal gacan ka gaabatay ama gacan gaaban leh mida bidix da ayey iila egtahay gacantaas, riyada dhexdeda ayad isku waydiinayaa waxa gacanta gaabiyey in uu muruq iga galay iyo in kale.

Riyada gacan gaaban maxay noqon kartaa
Riyada gacan gaaban maxay noqon kartaa

Jawaabta:

Gacanta guud ahaan waxyaabo badan ayay tilmaamaysaa marka waxaa ugu muhiimsan waxbixinta iyo cimriga gacanta dheer waxay tilmaamaysaa cumri dheer iyo deeqsinimo, gacanta gaabanna waxay tilmaamaysaa cumri gaaban iyo bakhaylnimo, marka guud ahaan riyada gacanta gaaban ma fiicna oo riyo tilmaamaysaa arrin mudan in Alle laga magangalo. waxaa kaloo lagu fasiri karaa riyadan inuu qofka waayi doono dadka garabkiisa ahaa oo difaaci jiray dhinac kaste haka socdaan.

Wuxuu leeyahay mid ka mid ah culimada riyada fasira:

(واليدان تدلان على المرتبة والوالدين والدولة، ويدلان على صلاح الأعمال لمن يأخذ ويعطي بيديه، واليد اليمنى تدل على ابن أو أب أو صديق أو من يحل عندك محل اليمين، واليد اليسرى تدل على المرأة والأم والأخت والبنت ).

(Gacmaha waxay tilmaamaan darajo iyo labada waalid iyo dowladda, waxay tusaan fiicnaanta waxqabadka qofka oo wax ku qaato ama wax ku bixiyo gacmahiisa, gacanta midig waxay tilmaamaysaa wiil ama aabbe ama saaxiib ama qof garab kuu ah gacanta bidixna waxay tilmaamaysaa haweeneyda iyo hooyada iyo walaasha iyo gabadha)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More