Riyada dharkaaga oo qof kale xiranayo

Su’aasha:

Slam,
Waxan ku riyooday dharkaygii oo uu qofkale xidhay .

Riyada dharkaaga oo qof kale xiranayo
Riyada dharkaaga oo qof kale xiranayo

Jawaabta:

Qofka hadduu ku riyoodo dharkiisa oo qof kale xirtay riyada waxay tilmaamaysaa xiriirka iyo jacaylka ka dhxeeyo labada qofood.

Marka riyada guud ahaan waxay tilmaamaysaa xiriir fiican, haddii nin iyo naag ay yihiin waxaa dhici karta in guur dhex maro labadooda.

Caadi ahaan dharka wuxuu tilmaamaa nin ama naag  taasna Quraanka ayay ksuoo aroortay dharka inuu tilmaamo lamaanaha.

Alle wuxuu yiri:

(أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ الصِّيَامِ الرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَائِكُمْ ۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ)

(waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin)

Raadraac

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More