Riyada ceelka dheer inaad ku dhacdo aad ka cabsaneysid

Su’aasha:

Asc wll Laba Su,aal ayaan doonayey inaan idin weydiyo lkn anigoo amarkiina u hogaansamaya Laba posti ayaan kasoo kala dhigayaa sida aad na farteen

Wll waxaan ku riyooday Ceel dheer oo la qodayo ninka qodayana uu kasoo baxay oo aad umaleyneesid in ceelka uu dumi rabo oo kale oo aan ka cabsanayo in aan ku dhaco wax buundo ama haamaha ceelka la geliyana kuma jiraan waa Ceel markaas la qoday

Guud ahaan Riyada ceelka maxay tahay

Riyada ceelka dheer inaad ku dhacdo aad ka cabsaneysid
Riyada ceelka dheer inaad ku dhacdo aad ka cabsaneysid

Jawaabta:

Sidaas ayaa fiican maxaayeelay qofka kale wuu ka faa’ideysan karaa marka su’aasha ay gooni u qoran tahay wuxuu ka dhex raadin karaa webka cinwaanka ayuu u keenayaa, laakin hadday su’aalo badan isku dhex jiraan si dhaqsi kuma heli karo.

Riyada aragtida qodida ceelka waxay tilmaamaysaa inaad wax heli doonto ama aad qaban doonto shaqo fiican ceelka guud ahaan waa khayr badan qofka uu helayo, waxaa kaloo uu noqon karaa ceelka inaad guursan doonto naag hanti leh.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More