Raaxada nafta iyo rafaadka jirka

Raaxada ayaa waxay tahay labo nooc.

raaxo nafta ku raaxaysanayso  iyo raaxo jirka ku raaxaysanayo.

laakin labada raaxo way isku xiran yihiin, mid hadday qalloocato midda kale way raacaysaa.

Raaxada nafta iyo rafaadka jirka
Raaxada nafta iyo rafaadka jirka

Tusaale ahaan haddii lagu siiyo guri qurux badan alaab nooc walba ay taallo, cunto nooc walba ay taallo.

Laakin meel waxaad joogtaa laysku dilo, dad tuugo ah ama dugaag oo qarka ay kuu soo saaran yihiin.

Malaga yaabaa inaad dareento raaxada jirka oo ah cuntada iyo jiifka iyo guriga, lagama yaabo.

Waxaa la mid ah raaxada galmada ama raaxada naagaha.

Tusaale:  haddii laguu mehriyo gabar yar qurux badan oo aqalka laguu soo galiyo, habeenka aqalgalka, laakin waxaa lagugu yiri: marka aad dhammeysato raaxada galmada waa lagu dilaa, dad ayaa kuu taagan guriga bannaankiisa oo hubaysan.

 

 

Malaga yaabaa inaad ku raaxaysato raaxada sariirta ama raaxada gabadha?.

Jawaabta: waa maya, kacsi kaste hadduu ku hayo waa damaysaa.

Marka waxaad ogaataa fal kaste raaxada nafta iyo raaxada jirka ayuu wataa.

Markastoo aad aragto qof macaansanayo raaxo ma aha inuu helay waxa uu rabo.

Tusaale ahaan haddii maanta aad naag xaaraan ah ku raaxaysato oo aad la sinaysato shaydaanka wuxuu kaaga dhigayaa inaad raaxo heshay, laakin dhabta sidaas ma aha.

Waxaad ku dhacday rafaad, marka waa raaxo rafaad ka dambeeyo.

Raaxada guurka iyo raaxada dumarka waa inay ku  salaysan yihiin xalaal.

sidoo kale waa inuu qofka labada isku helaa.

Raaxada nafta iyo raaxada jirka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More