Qofkaan la shekaystaba wan ka xiiso dhacaa

Su’aasha:

Ascw walal waxan ahay gabar 20 meyada ku jirta waxan isku arkay ninwalbo oo an la shekeysto xisihiisa wuu iga dhamada oo qalbiga aya iga soo xirma oo qofki markan 2 malin la shekeysto wuxu yahay ban kuso ogadaa kadibna wan ka gaabiyaa inta ugu badan ragga iyagaa xiriir iga cod sada ma sheegi karo mid an aniga rabooday ama an ka helay inay taas wax ka badali laheyd lakin ma dhici karnaa in qof uu isku filnaasho ka gaaro ragg oo dhan? plus waxsn ahay gabar Alle ku xiran shukansigii oo dhan baa nonsense ila noqday.

Qofkaan la shekaystaba wan ka xiiso dhacaa
Qofkaan la shekaystaba wan ka xiiso dhacaa

Jawaabta:

Haddii shaakada ay tahay baashaal iyo waqti dhumis waxaan kula talinayaa inaad ka fogaato sheekada raga, haddii aad mustaqbal raadinayso raadso nin mas’uuliyad qaadi karo daacad ah oo runlow ah.

Teeda kale naag nin ka maarmi karto adduunka ma jirto haddayna jirin duquufo gaar ah, sidoo kale nin ma jiro oo naag ka maarmo.

Adiga da’daada way yar tahay wali ma dareemi kartid ninka habboon iyo ninka aan habboonayn waayo nolosha khibro ayay u baahan tahay.

Marka waxaan kula talinayaa inaad ku dadaasho sumcaddaada inaad ilaalsato, saman halis ayaa la joogaa oo wax lagaa qaadi karo hadal lagaa duubi karo.

Marka khayr ayaan kuu rajaynaynaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More