Qof ku riyooday madaxda Turkey iyo Germany iyo Austria

Su’aasha:

Asc walaal waad ku mahadsantihiin shaqada wanaagsan oo aad bulshada u haysaan. Waxaan riyo ku arkay islaanta Germany hogaamiyaha ka ah iyo ninka dhalinyarada ah ee hogaamiya wadanka yar ee Austria iyo aniga oo meel ku wada sheekaysanayna hogaamiyaha Austria gabaryar oo uu dhalay buu wataa anigana wiil yar ma adaa dhalay buu iyiri ana haa baan dhahay labadaba sicaadi ah baan u sheekaysanay sawiro baan mobilkayga ku galnay waana kala tagnay maalmo kadib sawiradii baan mobelka ka waayay waxaan ku eedeeyay in ay ayagu iaga tirtireen si mala ah oo waxaan leeyahay ayagaa tir tiray lkin maxaa dhacay amaysan ayagu tir tirine ciladkale tahay.

Mudo ka horna madaxweynaha Turkiga baa guriga iigu yimi waxaa meel gees ah fadhiyay aabahay Allah u naxariisto wuu dhintay balse riyada wuu ku jiray ordugan waxbuu isiiyay aan aniga iyo aabe ku faraxnay waxay ahaydna ma qaranayo balse markaan is iri u mahadnaq waxaan is dhahay ha is liidin qof u baahan ha iska dhigin waanse u mahad celiyay anoo shucuurtayda qarinayo.
Allah ha idin xafido Walaalayaal

Qof ku riyooday madaxda Turkey iyo Germany iyo Austria
Qof ku riyooday madaxda Turkey iyo Germany iyo Austria

Jawaabta:

Labada riyaba waxay tilmaamayaan meesha aad gaari doonto waxaad noqon doontaa qof muhim ah oo siyaasad ama hanti magac ku heli doono dad badan ayaana kaa dambaynaya riyada waa riyo khayr ah oo mustaqbalkaaga tilmaamaysa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More