Nin xaas leh gabadh bikira ah ka sinayistay

Su’aasha:

Salaan sare, darur su’aashan qabo waxa weeyan nin xaas leh ah gabadh kale intu khaayimo wan ku guursan ku idhahdo hadu gabdhaas sino ku bikir jabiyo iyo muda badan na ka sinayisto marka ninkaas madamu gabadhan xumeeyay diiniyan naf’si ahaan isaga xaaskisa ma laga jari karaa ama xaaskisa nin kale inu sino ku sameeyo may dhici kar’ta isoo sheega mahad sanid.

Nin xaas leh gabadh bikira ah ka sinayistay
Nin xaas leh gabadh bikira ah ka sinayistay

Jawaabta:

Sinada waa dambi aad u weyn oo naar lagu galo waxaana ugu daran qofka marka uu sinaysto asoo xaas leh, sidoo kale qofkii ka sinaysto naag xaaska deriskiisa, diinta islaamka waxay ka dhigtay ciqaabta qofkii xaas leh oo sinaysto in dhagax lagu dilo haddii uu qirto ama afar markhaati haddii loo helo inuu sameeyay falka sinada ah.

Sinada waxaa kaloo ay leedahay cuquubo adduun qofka sinaysta si xun ayuu ku noolaanayaa waxaa laga yaabaa in Ilaahay ku ciqaabo familkiisa in xumaanta sinada lagu dhex faafiyo xumaan xumaan ayay dhashaa, waxaa laga yaabaa naagtiisa ama gabadhiisa in lagu ibtileeyo sinada, marka qofkaas waxaa waajib ku ah inuu ka towbad keeno falkaas towbad dhab ah shuraadaha towbadda saxda ah in badan ayaan ka hadalnay webka ayaad ka heli kartaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More