Malabka iyo toonta caafimaadka waxa ay u taraan

Su’aasha:

scw toonta iyo malabka marka laysku daro dhib miyay leeyihiin?? waxaan meelo ka akhriyay inay aad ugu fiican yihiin caafimaadka hadaba waxaan rabaa inaad faahfaahin dheeraad iga siisan waxtarka toonta iyo malabka.

Malabka iyo toonta caafimaadka waxa ay u taraan
Malabka iyo toonta caafimaadka waxa ay u taraan

Jawaabta:

Guud ahaan malabka iyo toonta mid kaste wuxuu leeyahay faa’idooyin badan aan lasoo koobi karin, haddii laysku daro way iska caddahay inay wax weyn u tarayaan caafimaadka, markaan kuusoo koobo faa’idooyinka laga helo toonta iyo malabka isku dhex qasan:

1- ladagaallanka bakteeiyada, waxaa la og yahay toonta inay la dagaallanto feyruusyada iyo bakteeriyada sidoo kale malbaka wuxuu leeyahay difaac adag, qofka aad u adeegsada wuxuu ka helaa difaac adag, hargab iyo qufac iyo neef oo dhan waa ka reysanaa.
2- xoojinta caafimaadka wadnaha, waxaa la sheegay in toonta iyo malabka ay u roon yihiin caafimaadka wadnaha.
3- ilaalinta maskaxda iyo xusuusta, qofka cunaya malabka iyo toonta isku jira wuxuu ka badbaadaa cudurada duqnimada iyo illlowga badan
4- xoojinta caafimaadka dheefdhiidka, waxay xoojiyaan dhib kaste caloosha lasoo gudboonaada sida shubanka iyo caloolfadhiga iyo dibirka iyo mataga.
5- daaweynta nabraha jirka kasoo baxo, siiba marka la mariyo meelaha finka kasoo baxo daaawo ayay u yihiin

6- Xoojinta dareenka galmada, toonta waxay wadataa waxyaalo dhiiga socodsiiya, malabkana wuxuu leeyahay awood marka laysku daro dhiiga wuxuu si toos usoo aadaa xubnaha taranka taas oo keenaysa qofka inuu kacsi dareemo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More