Fasirka riyada cunitaanka malabka

Fasirka riyada cunitaanka malabka

Su’aasha:

Asc l wll xalay waxan ku riiyooday anoo cunaya malab marka muxuu noqon kara fasirka riyada malabka. Mahadsanid

Fasirka riyada cunitaanka malabka
Fasirka riyada cunitaanka malabka

 

Jawaabta:

Riyada malabka waa riyo aad u fiican qofkii ku riyoodo asoo cunaya malab wuxuu helayaa hanti xalaal ah oo badan.

Dhammaan culimada riyada fasiro way isku raaceen arrinkaas.

wuxuu leeyahay ibnu siiriin:

(العسل في الحلم يدل على مال حلال سوف يأتي للرائي سواء من ميراث أو  من جهة العمل أو الشركة)

(Malabka riyada lagu arko wuxuu tusiyaa maal xalaal ah oo qofka arkay helayo ha uga yimaado dhaxal ama dhinaca shaqada ama shirkadda).

Guud ahaan riyada malabka way fiican tahay, waa laga yaabaa malabka inuu tusiyo dhibaato la xiriirta dhinaca dadka xaasidka ah laakin fasirkan ayaa ugu xoog badan.

Waliba qofka hadduu xanuunsan yahay oo uu riyada dhexdeeda malab ku cabbo wuu caafimaadayaa.

Riyada dooxa iyo malabka shinida oo ka dhargay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More