Guurka danta ku dhisan waxa uu keeno

Guurku waa qaybta ugu muhimsan dhismaha bulshada, jacaylkiisa waa inuu run ahaadaa, caadi ahaan guurka waa midka lagu ilaalin karo jiritaanka aadanaha, diinta islaamka aad bay xoogga u saartay guurka iyo qoyska iyo degaanshaha laga rabo,  wuxuu yiri Alle (SW):

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَ‌حْمَةً إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُ‌ونَ} 

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

Wuxuu  yiri rasuulka (SCW):

(خَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِأَهْلِهِ، وَأَنَا خَيْرُكُمْ لِأَهْلِي)

(Kiina ugu khayrka badan waa kan ehelkiisa ugu khayrka badan anigaa idinkaga khayr badan ehelkayga).

Waad u jeeddaa guurka inuu yahay wax aad u qiima badan oo ku dhisan jacayl iyo naxariis, marka guurka waa inuu ahaada midka gudnaya ujeeddada loogu talagalay taasoo ah in qofka naftiisa ku ilaaliyo sidoo kale inuu koonka camiro.

Kan waa ulajeeddada dhabta ah ee guurku ku salaysan yahay.

Laakin marka uu ka baxo guurka khadkan, wuxuu gala meelo kale qaab daran.

Guurka danta ku dhisan waxa uu keeno
Guurka danta ku dhisan waxa uu keeno

Sida guurka ku dhisan danta gaarka ah.

Kaasoo ah tusaale ahaan nin ayaa wuxuu rabaa inuu guursado gabar, laakin dantiisa waa inuu ku meel gaaro, ama lacag ay haysato ayuu rabaa, ama wuxuu rabaa inuu visa ama baasaboor ku qaato, sida maanta ay sameeyaan rag badan, siiba dadka Africa ku nool oo raba inay galaan dalalka yurub iyo America.

Dumarna way jiraan oo iyagana sidaas ah, raadinaya nin ay ku galaan yurub.

Marka guurka noocan ah, wuxuu ku dhamaanaa marka qofka daneystaha ah uu dantiisa gaaro.

Ileen marka hore uma soo galin, inuu guri dhiso oo waajibaadka kasoo baxo, taas waxaa ka dhalanaya furiin iyo is nacayb daran.

Dad badan ayay haysataa sheekada noocan ah.

Guurka waxaa la rabaa inuu ku salaysnaado hadaf sare, ubad iyo jacayl iyo iskaashi.

Ninka waa inuu ahaadaa qof daacad u ah naagtiisa oo aan been ku dhaqaynin, marka uu sidaas noqdo, guriga wuu hagaagaa.

Sidaas oo kale iyadana waxaa laga rabaa inay daacad u noqoto, danta gurigooda inay eegaan, iyo caruurtooda, si ay usoo saari laahyeen ubad aqoon leh, tarbiyaysan oo daacad u ah bulshada.

Haddii iyaga ay isku mashquulaan ilmahooda xitaa ma toosayaan.

Maanta dadka soomaaliyeed qurbaha ku nool, qaar badan dhib weyn ayaa haysta, iyagoo nolol haysta lacag haysta haddana ma degana , kalsoonida ayaa ka tagtay, taasoo dhan waxaa u keenay beenta iyo kalsoonidarida.

Waxaad arkaysaa rag badan guurdoon ah sidoo kale gabdho guurdoon ah, guurka uma raadinayaan inay mustaqbal fiican helaan, waxay u raadinayaan yaan ku dangaaraa, guurka noocan ah waxaa ka fiican doobnimo.

Raaxada guurka waxay macaan tahay marka lamaanaha ah ay daacad isu yihiin.

Jacaylka lamaanaha ah markaas, sida la rabay ayuu u dhacaa, laakin haddii sheekada been ay ku dhisan tahay waa wax aan natiijo fiican lahayn.

Astaamaha ugu weyn jacaylka dhabta ah waa inuu ninka ama naagta ay daacad u yihiin guur toosan aan dan  ku salaysnayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More