Fiman ayaa xabadka iyo dusha iiga soo baxay hadana cun cun malahan maxaa daawo u ah

Su’aasha:

Fiman ayaa xabadka iyo dusha iiga soo baxay hadana cun cun malahan waan bujiyaa wax cad oo kakan ayaan ka soo baxa wajigana wax saas u badneen ayaa iiga yaala Boomaato nuucee u isticmaali karaa walaal teda kale waxaa garka iiga soo baxo fin weyn oo markaan majiijiyo waa sii weynaana arimahaas ma xasaasiyad ayay la xiriirtaa mise cudur kale bal iisheg wllo.

Fiman ayaa xabadka iyo dusha iiga soo baxay hadana cun cun malahan maxaa daawo u ah
Fiman ayaa xabadka iyo dusha iiga soo baxay hadana cun cun malahan maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Finka aad sheegayso waa fin doob wuxuu kasoo baxaa inta badan dadka da’da yar 15 ilaa 28 sano ayuu badan yahay, dadka qaarkii ayuu

ku badan yahay, taasna waxay u noqonaysaa isbadalka hormoonada jirka sidoo kale maqaarka dufinta leh dadka qaarkii maqaakooda dufin ayuu soo daayaa markay dhididaan, dadkaas ayuu ku badan yahay findoobka.

Marka waxaad ku dhaqaysaa jirkaaga saaboon siiba saabuunta nooca bakteeriyada disho oo laga helo farmashiyaha.

Waxaa jiro kareem la mariyo ama bomaato oo daawo u ah waxaa ka mid ah:

Bomaato la yiraahdo : Marpalene  iyo bomaato la yiraahdo Isis pharma GLYCO-A iyo mid la yiraahdo FREE ACNE  iyo mid kale lagu magacaabo Acretin 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More