Fasirka riyada bisadda oo faahfaahsan

Riyada bisaadda ama mukulaasha waxay yeelan kartaa tafsiiro kala duwan, taas waxay u noqonaysa qofka arkayo xaalkiisa, hadduu yahay lab ama dheddig qof xaas leh ama qof doob ah.
laakin guud ahaan fasirka riyada bisadda qaabab badan ayay yeelanaysaa.

Fasirka riyada bisadda oo faahfaahsan
Fasirka riyada bisadda oo faahfaahsan

Bisadda waxay noqon kartaa qof guriga ka adeego oo aan aamin ahayn, sidoo kale qof tuug ah oo ka tirsan guriga, sidoo kale naag dhillo ayay noqon kartaa ama naag xun oo aan raga iska ilaalinin.
bisadda madow waxay tilmaamaysaa dagaal dhexmaraya ninka iyo xaaskiisa, ama xaaska oo ninka khiyaano ku samaynaysa, ama xaaska ay gogoldhaaf samaynayso, ama cunug wecel an inuu meesha jiro.
guud ahaan mukulaal madow ma fiicna.

 

haddii ay bisadda tahay mid dugaag oo kale ah, waxay tilmaamaysaa in dhibaato jirto oo daran sida abaar iwm.
qofkii arko isagoo mukulaal iibinaya, wuu khasaarayaa.
qofkii ku riyoodo mukulaal asoo cunaya wuxuu noqonayaa qof saaxir ah.
qofkii ku riyoodo guriga oo bisad soo gashay taag ayaa soo galaya gurigaas.
yaanyuurta waxay kaloo tusinaysaa il iyo xasad siiba isha naagaha, sidoo kale khiyaano iyo xumaan.
Labka wuxuu tusiyaa khiyaano iyo xatooyo, dheddigana waxaa laga yaabaa inuu tuso wax fiican.

mukulaal gaajaysan waxay tusinaysaa faqri iyo saboolnimo iyo baahi, bisadda haddii ay yar tahay waxay tusinaysaa guul iyo war farxad leh, waxaa laga yaabaa inay tusto guur.
naag xaas leh haddii ay ku riyooto bisad waxay tilmamaysa inuu ninkeeda daabad ahayn.
gabar doob ah haddii ay ku riyooto mukulaal waxay tusinaysaa ninka iyada rabo inuu yahay nin beenlow ah oo aan daacad u ahayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More