Cabsida fasalka macalinka su’aal ma weydiin karo

Su’aasha:

Waxaan ahay ardey ku dhiban xaga fasalka waxaan ahay ardey gudoomiye ah sidaa ay tahayna fasalka markaan joogo suaal ma weydiin kari macalinka ama nashaadka kama qeyb qaadan kari waxaa ila soo derista cabsi iyo baqdin anigoo isleh amaad qalad sheegtaa oo ay ardeyda kugu qososhaa ama kula yaabtaa gaar ahaan gabdhaha.

Cabsida fasalka macalinka su'aal ma weydiin karo
Cabsida fasalka macalinka su’aal ma weydiin karo

Jawaabta:

Taas waxaad kaga adkaan kartaa kalsooni inaad hesho xagga naftaada, waxaad ogaataa qof kaste inuu qalad gali karo xataa haddii lagugu qoslo wax weyn ma aha, dadkoo dhan qalad way galaan, sidoo kale dadka ha qiimeynin, naftaadana haku xirin, isku day inaad hor istaagto oo aad su’aal weydiiso adoon dadka u aabyeelin, waxaa kaloo aad u baahan tahay inaad ka bilowdo asxaabtaada kuu dhow inaad hadal u jeediso oo aad farxad muujiso, ogow in dadka aysan wax kaa qaadi karin, qof kaste tiisaa haysata.

Haddaad hesho kalsoonida lagaaga baahan yahay caadi ayay arrinta kula noqonaysaa, wax cabsi ah ma dareemi doontid.

Waxaa kaloo aad ka akhrisan kartaa sida kalsoonida loo so o celiyo halkan:

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More