Aragtida abtigay oo bari hore dhintay

Su’aasha:

asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur gar ahan culimada noo tafsiirta riyada ilaahay ajar iyo xasanaadha idinka siiyo allah macak
waxan ku riyooday abtigay oo dhintay bari hore ayaan habeen dhawayd waxan riyo ku arkay guri aanu dhawr sano ka hor kasoo guur nay ayaan waxan riyo ku arkay qolkaygii aan daganaa barigaasi ayaan kasoo toosay abtigay oo igarab hurdaan arkay oo aad u qurux badan oo aad u cad cad runtiina cadaanka wuu u dhashoo cadaani ayaaba la odhan jiray hadana cadaan ka badan kaan ku aqaanay ayaanku arkay wuuba toosay isla markiiba waxaan ku idhi abatiyo maxad cadaatay markaasuu intuu qoslay igu yidhi abatiyo adba waad naaxday masha allah kabacdi dibadan u baxoo waxa idoonayay wiil yar oon ilmader nahay waan salamay waan soo noqday abtiyoo quraacanaya oo laxoox ama mukhbas ama sabaad cunaya waan soo ag fadhiistay oo albaabka maqsinkan kursi ku fadhiistay waxaan ku lahaa abtiyo iska guurso waayo markuu dhintay xaas muu lahayn
waxuu igu yidhi anuu abtiyo waxan filayaa inaan guursanaye
waxaan arkay oo noo soo gashay walaashay oo markay aragtay ku booday waa abtigay oon wali dhiman isku duubtay iyadood moodo faraxadi waa naxdine kudul muusanowday
hadan hooyaday ayaa soo gashay oo isku duubtay sawdigii nalagu yidhi wuu dhintay oo isku duubtay iyadood moodo inay ku dul ooyayso oo ay dhunkasho isku dhageen
allah mahad

Aragtida abtigay oo bari hore dhintay
Aragtida abtigay oo bari hore dhintay

Jawaabta:

Abti dhintay beri hore haddii riyo lagu arko riyada waa bishaaro siiba marka uu ku sugan yahay abtiga xaalad wanaagsan, saad sheegtay adiga abtigaaga wuu qurux badnaa waana caddaa markaad ku arkaysay riyada, waxaa kaloo riyada laga qaadanayaa inuu ku sugan yahay xaalad wanaagsan inshaa Allaah jannada meel fiican inuu ka joogo, riyada waxaa kaloo ay tilmaamaysaa akhbaar fiican inay familkiina u imaan doonto goor dhow.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More