Sugnaanta iyo isbadalka ee aragtida islaamka

بسم الله الرحمن الرحيم

Magaca ilaahay barakadiisa ayaan ku bilaabaynaa

Ilaahay isagaa mahad dhamaannteed iska leh .rusuulkana nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato iyo dhamaan ehelkiisa iyo saxaabadiisa , ilaahayaw adigaa xumaan ka dheer , cilmi ma lihin waxii aad na bartay mooyee ,adigu waxaad tahay ka cilmiga badan ee xikmada badan”

Sugnaanta & horu-marka islaamka

Islaamku waa Diin leh tiirar sugan iyo axkaam isla bedesha wakhtiga ,horu-marka caalamka kusoo kordhaya maaha mid ka hor imanaya Diinta islaamka balse islaamku isagaa dhiiri gelinaya horu-marka iyo is-bedelka.

Tiirarka sugan ee islaamku waa kuwo aan is bedelayn balse dhiiri gelinaya horu-marka iyo wixii faaiido iyo wax-tar u leh aadamaha,waxana muhima in lakala barto Diinta qodobada is bedelaya ee dhiiri gelinaya horu-marka iyo qodobada asaasiga ah ee aan is bedelayn.

Diinta islaamka waxa loosoo dejiyay dhamaan dadka, waxa loogu tala galay inay la jaan-qaado is-bedelka caalamka ilaa qiyaamaha ,maaha diin marnaba ka hor imanaysa horu-socodka iyo isbedelka dhacaya saacad kasta iyo wakhti kasta .

Ilaahay isagaa soo dejiyay Diinta islaamka ,is-bedelka caalamka iyo horu-marka socdaana waa mid ku imanaya xikmad iyo garashada alle ,waxana aan suurta gal ahayn inay is khilaafaan diinta alle iyo abuurkiisa dunidu.

Isbedelka maanta dunida guudkeeda ka dhacaya waxa loo baahan yahay Muslimiintu inay ka qayb qaataan, aduunka wax cusub iyo horu-mar aadamaha wax tar u leh kusoo kordhiyaan, iyagoo caabaduya rabigood, kana shiidaal qaadanaya tiirarka islaamka ee tilmaamaysa horu-marka loo baahan yahay ee ku dhisan xalaasha iyo ogolaanshaha rabi .

Kol hadii xiligan caalamku isu bedelayo degdeg iyo hore, waxa haboon fahmida Mawduucan islaamiga ah ee la xidhiidha isbedelka si loola jaan qaado isbedelka caalamka iyo si loo kala fahmo tiirarka islaamka ee sugnaanaya iyo kuwa isla bedelaya wakhtiga iyo horu-marka.

Sida dhabta ah islaamku waa diin dhiiri gelisa horu-marka iyo isbedelka , balse waxay ku salaysaa miisaan iyo waxaan dhib u keenayn dadka ,waxay ka digtaa horu-mar kasta oo dadka dhib u keenaya, shuruuda keliya ee islaamka ku xidho horu-markana waxa uu yahay dadka inaanu dhib u hor-seedin iyo kitaabka iyo sunnaha inaanu khilaafsanayn.

Sugnaanta iyo isbadalka ee islaamka
Sugnaanta iyo isbadalka ee islaamka

Xikimada dunida loo abuuray waa horu-mar iyo is-bedel ku dhisan wanaag ,waa in la dhiiri geliyo wanaaga, lana diido xumaanto iyo wixii xanuun iyo dhib ku keenaya dadka , islaamkuna waxa uu ka shaqeeyaa horu-marka iyo joojinta wixii dhib ku keenaya dadka.

Islaamku waa diin dhexdhexaada ,waxa ay ku baaqdaa horu-marka fiican, waxayna gaashaanka u daruurtaa horu-marka dhibta iyo waxyeelada kusoo kordhinaya bulshada , waxa ay jidaysaa wadooyinka loo marayo horu-mar iyo isbedel lagu badhaadho waxayna ka digtaa wadooyinka lagu gaadhi karo isbedel qaldan oo khatar geliya bulshada .

Quraanku marka uu ka waramayo Ummaddan astaamaheeda waxa uu yidhi :

 (وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا) البقرة: 143 .

“waxaanu idinka yeelay Ummad dhex-dhexaada si aad ugu markhaati furtaan dadka, idinkana rasuulku idiinku markhaati furo”

Islaamku waa Diin furtay wadiiqooyinka iyo dhabooyinka horu-marka ,waxay ay ku baaqday aqoonta, waxana ay dhiiri gelisay casriyaynta iyo horu-marinta dhaqaalaha, siyaasada, xeerarka ,dhaqanka ,si loo kobciyo dhamaan adeegyada bulshada.

Diinta islaamku waa diin dhamaystiran, waxa ay dhamaystiraysaa dhamaan laamaha nolosha ,waxa ay ku baaqday nidaamna u dejisay caafimaadka, dardar gelinta aqoonta, rabaynta nafta iyo ka shaqaysiinta caqliga .

Waxa is waydiin leh Maxaa u baahan horu-marin ?maxaase u baahan sugnaan iyo inuu sidiisa ahaado? Labadaa qodob in lakala fahmo waa arin muhima islaamka dhexdiisa ,qofka aan fahan saxa ka qaadan waxa laga yaabaa khalado waawayn oo bulshada wax udhima inuu ku kaco, taasina waxa ay leedahay dhebaatadeeda .

Tiirarka aan is bedelin waxa ka mida Caqiidada , ilaahay waa keli , isagaa wax dila, isagaa wax nooleeya , khalqiga isagaa iska leh, amarkiisa ayaa soconaya aduun iyo aakhiraba , waxa uu la gaar yahay dhamaan astaamaha iyo sifooyinka dhamaystiran , nusqaan waa uu ka reeban yahay, waxa loo sugayaa dhamaan magacyada iyo sifooyinka naftiisa uu u sugay .

Cibaadada sida salaada ,soonka , xajka , waa tiirarka aan is bedelayn ,waxay u jirayaan loona gudanayaa rasuulku sidii nabad iyo xariisi korkiisa ha ahaatee uu tilmaamay, loomana baahna in la yidhaa waxbaa ka dhiman ee halagu daro, ama hala horu-mariyo , waa diin dhamaystiran,arintaana quraanka ayaa ka waramay.

Waxa u baahan horu-marka iyo isbedelka waxa ka mida arimaha la xidhiidha aduunyada , beeraha, tignoolajiyada, siyaasada, dhaqaalaha, waxana rasuulka laga wariyay inuu yidhi aduunyadiina idinkaa aqoon u lehe horu mariya .

Arimaha la xidhiidha diinta ee aan isbedelka iyo horu-marinta u baahnayn waxa ka mida xadiiska bukhaariga ku yaala  ee tilmaamaya rasuulka inuu u yimi nin dharcad xidhan, madaxiisu aad u madawyahay oo aanay ka muuqan raad safar, saxaabadana qariib ku ah oo aan qofna garanayn, waxa uu lawyadiisa ku tiirinayaa lawyada rasuulka,waxana uu waydiinayaa su,aalo, islaamnimadu maxay tahay? Imaanku muxuu yahay?saacadu waa goorma ?

Rasuulka nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu ku jawaabay islaamnimadu inay tahay in ilaahay kelidii la qiro, muxamedna yahay rasuulkii ilaahay, salaada in la oogo, sakada in la bixiyo,soonka bisha ramadaan in lasoomo, xajka qofka awoodaa inuu xajo.

Iimaanka na waxa uu yidhi rasuulku marka uu ka jawaabay,waa in la rumeeyaa ilaahay,malaa’igtiisa, kutubtiisa ,maalinta aakhiro, qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba.

Saacada rusuulku marka uu ka jawaabayayna waxa uu yidhi , ka la waydiinayaa kama oga ka waydiinaya,oo macneheedu tahay adiga iyo aniga midkeena ma oga ee ilaahay oo keliya ayaa og,.

Saxaabaduna waxay aad ay ula yaabeen ninka aanay garanaynin ee hadana raadka safarku aanu ka muuqan rasuulkana waydiinaya su,aalaha marka uu ka jawaabo rusuulkuna odhanaya run ayaad sheegtay,markii danbana iska baxay isagoon cidna la hadlin.

Rasuulku nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu saxaabada ku yidhi ninkii wax I waydiinayay miyaad garanayseen waxay yidhaahdeen maya rasuul allaw , ilaahay rasuulkiisa ayaa garanaya, waxa uu yidhi waxa uu ahaa malagul jibriil oo rabay diintiina inuu idin baro.

Xadiiskaa Jibriil rasuulka ku waraystay waxa ku jira casharo badan oo Ummadda wax tar iyo wax ku ool u ah, ogu horayn waxa laga fahmayaa Tiirarka iimaanka iyo tiirarka islaamku inaanay ahayn kuwo u baahan horu-mar iyo is bedel toona , waxa kale oo laga fahmayaa diinta islaamku siday u dhiiri gelisay barashada aqoonta haday tahay maaddi iyo haday diiniba .

Aqoontu waa furaha horu-marka ,waxa ugu horeeyay ee nibi muxamed naxariis iyo nabad gelyo koriisa ha haatee lagusoo dejiyay quraanka  waxay ahayd “wax akhri” , oo loogu hogo tusaalaynayay ummadiisu inay noqoto ummad wax akhrida si dunida ay ugusoo kordhiso cilmi iyo aqoon cusub, xadaarad iyo dhaqan toosan,balse maanta waxaad moodaa cida wax akhridaa inay tahay shucuubta kale muslimiintuna maanta hilmaameen arintaa .

Qofka iyo bulshada wax akhrida ee ku dadaasha cilmiga iyo aqoontu waa bulsho leh astaantii horu-marka iyo isbedelka, waxana haboon ummada islaamka in lagu celiyo oo lagusoo dabaalo wax akhrintii iyo barashadii aqoonta, gaar ahaan culuumta casriga ah, sida tignoolajiyada ,sayniska ,dhaqaalaha iyo horu-marintiisa ,cilmiga bulshada iyo horu-marinta dadka .

Islaamkuna marka uu ka hadlayay horu-marka waxa uu awooda saaray dhiiri gelinta aqoonta , waxana quraanka lagu arkayaa rasuulka oo ilaahay ku leeyahay waxaad ilaahay waydiisataa aqoon iyo cilmi, waayo cilmigu waa furaha najaaxa iyo guusha.

Meelkale quraanku waxa uu tilmaamay ilaahay cida sida dhabta ah uga cabsataa inay yihiin dadka cilmiga iyo aqoonta leh,dhibta maanta jirta ee ummadda islaamka haysataana waa aqoon daro iyo faham xumo, waxa ka qaldamay fahamkii saxda ahaa ee islaamka waxay dib uga dhaceen xadaaradii iyo aqoontii maadiga ahayd .

Khaladku waxa uu ka imanayaa in laysku dayo diinta iyo nolosha in lakala saaro, taasina waa faham qaldan,xaqu waaka hogaaminaya nolosha dhamaanteed ,horu-mar aan xaq ku lamaanayn maaha horu-mar, qofka iyo bulshaduna waa inay taqaanaa gudashada waajibaadka alle ,kadib alle isagaa barwaaqo iyo barko ugu daraya camalka iyo horu-marka ay suubinayaan.

Quraanku waxa uu ka waramayaa xadaaradihii ummadihii hore iyo horu-marka halkay ka gaadheen , waxa uu ku dhaliilayaa xad-gudubyadii iyo xumaantii ay sameeyeen waxana ummadda looga digayaa xumaanta noocaas oo kala ah, waxa uu quraanku iftiimiyay xadaaradahaasi waxay la burbureen iyo dibu dhicii ku yimi sabab inay u ahayd markii ay diideen fariintii alle iyo nabiyadii loosoo diray.

Quruumahaa hore waxyaalahay ku kaceen ee xumaanta ah waxa ka mid ahaa iyagoo caadaystay boobka dadka ,xad-gudubyo iyo dhibaatana u gaystay xuquuqdii dadka kale ku lahaayeen,qaarkood waxay nusqaamin jireen Miisaanka, waxay khaldi jireen dadka ay wax u miisaamayaan, arintaasi waxay hor-seeday barakadii rabi inuu ka qaado, waxaana dhacday inay guuldaraystaan.

 Horu-marka la rabaa maah mid ka imanaya doonista iyo wax kastoo nafta dadku jeceshahay balse waa mid ku qotoma xaqa iyo xaqiiqada, waa mid ka amar qaadanaya rabbiga dadka abuuray, waa mid tix gelinaya wixii dadka faaiido u leh, waxana quraanku leeyahay hadii xaqu raaci lahaa waxay naftoodu rabto dhulka iyo cirkuba way fasaadi lahaayeen

(وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنّ)َ

“xaqu hadii uu raaci lahaa hawadooda cirka iyo dhulka iyo cida ku dhex nooliba way fasaadi lahaayeen”

Xaqu waa mid sugan,cadaalada islaamkuna waa mid sugan, sinaanta iyo akhlaaqduna waa mid sugan,ixtiraamka iyo nabadgelyaduna waa mid sugan,naxariista ,wax bixinta, jacaylka dhamaan waa sifooyin wanaagsan oo sugan loomana baahna bedelaad iyo wax u dhimis in lagu sameeyo.

Xaqu waa ka saxda ah waxna toosiya , waxa jira dad ku macaasha dagaalka, qaar ku macaasha faqri abuurka, waxa jira qaar ka taajira hagar-daamada iyo wax-yeelka dadka kale , waxa jira kuwo ka ganacsada hubka wax gumaada,qaar iib geeya dawooyinka dhacay, qaar dadka jid-gooyo u dhigta iyo kuwo kale oo dadka adoonsada dhamaan dadka hab-dhaqanka noocaasa leh xaqu haduu daba geli lahaa iyaga dunidu way fasaadi lahayd balse xaqu waaka mar walba  wax saxa oo hagaajiya.

Islaamku waa qurux, waxa uu tix geliyaa wixii qurux badan,waxa uu ku baaqaa nafta in laga nadiifiyo dhamaan wixii uskaga ,dulmiga cadaalad darada , cibaado la,aanta , si qofka iyo bulshaduba u noqdaan kuwo qurxoon jidh ahaan iyo ruux ahaanba waxa ilaahay quraanka ku yidhi isagoo ka hadlaya quruxdaa:

(وَلَكُمْ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسْرَحُونَ)

Qaybta hore ee ayaada waxa lagaga waramay quruxda fardaha,baqalaha, geela ,dameeraha, kadibna ilaahay wa uu yidhi (qurux ayaa idiinku sugnaatay markaad soo xaraynaysaan iyo markaad daaq gaynaysaanba )

waxana lagu yaqaan qofka xoolaha lihi subaxii marka uu daaq gaynayana wuu daawadaa quruxdooda marka gelinka danbe iyagoo dheregsan oo ciyaaraya loo xareeyana wuu jeclaystaa daawashadooda .

xikmada ayaadu xanbaarsantahay ee ay tilmaamaysaa waxay tahay ,xaqu inuu qurux badan yahay, wixii ilaahay raali ka yahay inay qurux badan yihiin, in lagu raaxaysto aduunyada akhirana loo camal falo ,lagana dheeraado wixii aduunyada dhib usoo jiidaya dadka ama aakhiradooda wax udhimaya.

Waxa hubaala dulmigu inuu fool xun yahay, dadka oo xoolahooda la cunaa inay foolxumo tahay, xad-gudubka dadka lagu sameeyaa foolo xumo inay tahay ,qofkastoo arimahaa horu-mar moodayaana meel cidla ah iyo wado qaldan inuu jafayo ,waxana tusaala kuu ah neef la gawracay ayaa marka magaca alle lagu gawracana waxa uu noqonayaa caafimaad iyo xalaal marka magaca alle laga daayana cudur iyo xaaraan,gabadh marka la meheriyo waxa halkaa ka dhalanaya qoys xalaala oo islaamiya bulshaduna tixgelin iyo ixtiraam siiso , marka laba qof cidla iskula dhuuntaan iyagoon islaam iyo diintoona tix gelin bulshadana tix gelin kama helayaan iyaguna waxay noqonayaan kuwo danbaabay sharaftii iyo nasabkiina meel kaga dhacay.

Macnaha halkaa ku jiraa waxa weeye islaamku horu-marka ma hortaagana balse waxa loo baahanyahay qofku inuu noqdo mid tix geliya damiirkiisa iyo xaqa, qofku inaanu noqon mid u nool sida xayawaanka balse bulshada iyo qofkuba noqdaan kuwo ka shaqeeya horu-marka, tix geliyana xaqa iyo wixii dadka nafci iyo faa’iido u leh.

Waxyaalaha aan is bedelin ee islaamku sameeyay waxa ka mida,meelaha laysula noqonayo lagana talo qaadanayo ,sida quraanka,sunnada,ijaamaca,qiyaaska, dhaqanaka toosan, tiirarkaasi waa kuwa ummadu ay ka shiidaal qaadanayso markasta iyo goor kasta oo ay is qabato ama u  baahato miisaan ay ku kala garato khaladka iyo saxa .

Waxa halka laga garanayaa diinta islaamku inaanay af-duubin dadka ee ay uga tagtay xoriyad iyo madax-banaani dhamaystiran, kol hadii quraanka iyo sunnadu tix geliyeen caqliga in la jamciyo ka dibna wixii kitaabka iyo sunnada lagasoo saari kari waayay laysu kaashado oo halka dadka aqoon yahanka ahi tilmaamaan la raaco,waana muuqaal ka mida muuqaalada dimuquraadiyada ,in halka loo bato la taageero laakiin waa in cida isu imanaysaa ee codaynaysaa ay noqoto dad aqoon leh oo xaq u yeeshay arimahaa inay falanqeeyaan.

Qiyaasku waxa uu ka mid yahay arimaha islaamku tix geliyay,waxana macnihiisu noqonayaa ,masalo xukun ku dhex leh islaamka haday soo baxdo masalo u dhaw oo la wadaagtaa arimaha qaar in looga tusaalo qaato, sida hadii uu soo baxo shay doorinaya maskaxda laakiin aan magaca khamriga wadan, waxa looga qiyaas qaadanayaa khamriga , arinta ay wadaagayaana waxay noqonaysaa caqligaa doorsoomaya.

Ilaahay marka uu ka waramayo horu-marka waxuu uu ummadda ugu  baaqayaa inay maraan dhulka oo u fiirsadaan xadaaradihii hore iyo halka ay ku danbeeyeen, wax qabadkii ummaddihii hore iyo raadadka ay ka tageen, waxana ku jirta xikmad wayn dhulka in la maro oo waxa laga korodhsanayaa waayo aragnimo wayn iyo ildheeri iyo aqoon , arimahaa isagoo quraanku dhiiri gelinaya waxa uu yidhi :

(قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانْظُرُوا)

“dhulka socda oo fiiriya bal”

Dhaq-dhaqaaqa waxa ku jira kuna duugan horu-marka iyo is-bedelka,waana arinta quraanku ugu baaqay dadku inay sameeyaan,qof  aan dhaqaaqini waxba soo kordhin maayo,waxana laga dareemayaa qaaradaha la helay iyo caalamkan casriga ah in lagu gaadhay socod iyo dhaqaaq, waana ta uu ku baaqayo islaamku.

Waxana hubaala Muslimiintu inay ahaayeen kuwii ikhtiraacay culuum badan hada la munaafacaad sado, iyagaana ummadaha kale baray oo loosoo cilmi iyo aqoon doonan jiray, haday tahay culuumta la xidhiidha falaga iyo cirka, khasnadaha iyo dahabka sida loosoo saaro,xisaabta iyo cilmiga caafimaadka , waxaas oo dhana waxay ku xaqiijiyeen socod iyo fikir balse maanta ummada islaamku fikirka iyo socodka labadaba waa looga horu maray.

Horu-marka muslimiintu suubiyeen maantana loo baahanyahay, waxa laf-dhabar u ahaa akhlaaqda, maanta waxa dunida laga cabanayaa isbedelka cimilada , waxana hor-seeday akhlaaq darada iyo xad-gudubka lagu xad-gudbay deegaanka, kadib markii lagu daadiyay qashinka nukliyeerka iyo qiiqa warshadaha ,waxa laga cabanayaa maanta akhlaaq daro la xdhiidha bulshada, dad badan oo rag iyo dumarba leh oo samaynaya galmo aan ku dhisnayn diin iyo dhaqantoodana, budhcada iyo dhacii oo batay, dadkii oo is aamini waayay qof walibana noqday danayste.

Horu-marka noocaas ahi waxa uu keenay dibu dhac dhinacyo kala taabtay, sida caafimaadkii, toosnaantii, sharaftii , akhlaaqdii, waxa uu hor-seeday dagaalo iyo coloodo ku dhisan damac iyo hunguri, waxa uu keenay naxariis daro iyo araxan daro, balse hadii lagu dabro laguna soo dabaalo qiyamka iyo akhlaaqda islaamka waxa hubaala in lagu badhaadhi lahaa horu-markaa lana dhimi lahaa wax kasta oo dadka iyo deegaanka u hor seeday dhib iyo hagar-daamo.

Quraanku waxa uu mar hore ka waramay dhulka iyo badduba inay fasaad iyo dhibi gaadhayso hadii aan laga shiidaal qaadan shuruucda iyo qaanuunka islaamka , waxa uu hore quraanku u tilmaamay cida fasaadinaysa dhulka iyo baduhu dadka inay yihiin marka ay ka fogaadaan tacaaliimta iyo awaamirta alle waxana isagoo quraanku arintaa ka waramaya yidhi:

(ظَهَرَ الْفَسَادُ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ بِمَا كَسَبَتْ أَيْدِي النَّاسِ)

“waxa kasoo muuqday dhulka iyo baddaba xumaan ay faleen gacmaha dadku “

Muuqaalka dhabta ah ee jiraana maanta waa kaa ay sheegtay aayadu waxa lagu guul daraystay in la hakiyo xumaantaa iyo dhibtaa lagu sameeyay dhulkii iyo baddiiba ,cida falaysaana waa dadka.

Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo gudiyada u dooda xuquuqda aadamaha waxay ka qaylinayaan dhibaatooyinka maanta jira ,waxa jira boqolaal heshiis oo dawladaha caalamku saxeexeen qalinkana ku duugeen balse ugu danbayntii noqday hal bacaad lagu lisay.

Maslaxada ayaa maanta caalamka inta bilaa diinta ah hogaamisa,maxaan ka faaiidayaa ayaa maanta lagu xisaabtamaa, dhibta dhacaysa iyo xumaha maanta dunida korkeeda ka muuqday dadka qaar ayaa ka ganacsada oo ka taajira,waxa maanta horu-marka macnihiisa iyo eray bixintiisa iyo miisaankiisu noqday maxaa faaiido iigu jirtaa .

Horu-mar kastaa maaha mid wada badhaadhe iyo barwaaqo, waxa loo baahan yahay caqliga in la adeegsado oo laga shaqaysiiyo ,wixii horu-mar ah ee faaiido ugu jirto Ummadda in laga faaiidaysto wixii dhib iyo xumaan u keenayana in laga fogaado ,aduunkan waxa masuul looga dhigay dadka , waxana xil ka saaran yahay dadka,waxana quraanku yidhi isagoo arintaa ka waramaya

( جَعَلَكُمْ مُسْتَخْلَفِينَ فِيهِ)

dhulka waxaad ka tihiim masuul”

Waliba aayadu waxay si gaara ula hadlaysay Muslimiinta, waana waajib saaran muslimiinta inay ka shaqeeyaan horu-marinta dhulka iyo dadka, horseedaan wanaaga iyo wixii waxtar u leh khalqiga,haday dhinaca dhaqaalaha siyaasada,bulshada ,caafimaadka ,tacaliinta,dhan wal oo laga samayn karo horu-mar si loo gaadhsiiyo badhaadhe aduunyo iyo liibaan aakhiro.

Ugu danbayn ummadani waa waa ummadii hogaamin lahayd horu-marka , waa ummadii ka saari lahayd dadka jahliga, waa ummadii ku baaqi lahayd khayrka, waa ummadii ku faafin lahayd dunida nuurka iimaanka iyo hanuunka xaqa ,waa ummadii ka saari lahayd caalamka mugdiga uu ku jiro maanta , waa ummadii soo celin lahayd xadaaradii muslimiintu hore dhidibada ugu taageen.

Maaha ummadd maanta garan wayda dawrkeeda iyo halka hankeedu yahay,maaha umad u qalanta in lagaga furo tashuush caqiidadeeda iyo cibaadadeeda, maaha umadd si dhib yar u ilaabi karta xadaarada iyo ilbaxnimada dheer ee ay haysato, maaha ummad ka dhici karta horu-marka iyo isbedelka ka socda caalamka ,mana aha ummad ku jiri karta dibu dhac iyo faham daro, waa ummadii ugu khayrka badnayd ummadaha ,waana ummad leh dhamaan tiirarkii horu-marka.

Waxa soo martay Ummaddan xadaarad iyo taariikh lagu faani karo,dhinaca dhaqaalaha ,siyaasada, bulshada ,xooga iyo ciidamada, waxa ay furteen gaadheena dalal badan oo maanta aad uga fog jasiirada carbeed, waxay gaadheen dhamaan horu-marka maanta lagu faani karo intiisa badan, waxa jirtay xili iyo wakhti la waayay qof sadaqo qaata ama baahan, waxa jirtay xili xitaa shinbiraha la quudin jiray, horu-marka intaa leegi waa mid u baahan in dib loosoo celiyo.

Maanta muslimiinta waxa ka dhex jira faqri, xanuuno, taag-daro, dibu dhac, waxaas oo dhan waxa lagaga saari karaa caqli furan iyo fikir joogto ah, maaha xalku qalbi xidhan iyo cadho joogto ah, maaha xalku colaad iyo seef la boodnimo, waxa loo baahan yahay aqoon iyo fikir dhamaystiran, dulqaad ,samir, iyo caqliga oo si haboon loo adeegsado.

Waxa lagaga bixi karaa shucaabta islaamka oo lagusoo dabaalo xaqa iyo diinta,iyagoo lagusoo dabaalo aqoonta iyo akhlaaqda toosan,iyagoo lagusoo dabaalo fikirka iyo fahamka saxda ah.

Ummad aan fikirin oo aan caqliga adeegsan ma guulaysato, caqliga iyo fikirkuna waxa ay ka imanayaan dhiiri gelinta quraanka iyo sunnada ,waa in la fikiro diintana lagu sugnaado.

وصلي الله علي سيدنا محمد النبي الأمي وعلي آله وصحبه وسلم

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More