Siyaabaha hilibka loo sameeyo

Ways to prepare delicious meat at home

Siyaabaha hilibka loo sameeyo

 

Busteeki macaan badan hilib duban
Siyaabaha hilibka loo sameeyo

Hilibka marka qaabab badan loo sameeyo ayuu kuu soconayaa.

soomaalida hilibka inta badan waxay u sameeyaan qaabka caadiga ah oo biyaha lagu kariyo aadna aan loo bisleynin, waxay dhahaan hilibka waa inuu gowsaha ku dhego , dadka soomaaliyeed ma jecla hilibka aad u bisil.
laakin waxaa dhab ah hilibka macaankiisa marka qofka uu dareemayo waa marka uu aadka u bisil yahay oo uu kala daadanayo, sida hilibka dhaylaha uu yahay oo kale.

hilibka marka loo kariyo qaabab badan ayuu qofka si fiican u macaansan karaa sida la sheegay.
noocyo badan marka loo habeeyo mar in la dubo mar in busteeki laga dhigo ” busteekiga waxaa laga wadaa hilibka fidsan”  mar in dhuxul lagu dubo mar in suqaar laga sameeyo, mar in la sheiido oo lagu kariyo baradho iyo yaanyo markaas baastada lagu cuno.

hilibka waxaa laga helaa nafaqo aad u badan oo aan lasoo koobi karin. hilibka waa nimco weyn oo Ilaahay ku galladaystay khalqiga oo dhan, xayaanka waxaan hilib ahayn kuma noolaado siiba dugaata duurka ku nool.

Hilibka wuxuu aad macaan badan yahay markuu neefka dhaylo yahay, hilibka dhaylada waa hilib aad u nafaqo badan.

Jirka iyo caafimaadka wax weyn ayuu u taraa.

 

Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More