Sheeko qiimo badan Qasaaraha u baddel Faa’iido

Oscar waa Nin jarmal ah wuxu qabay hal dhib taasoo ahayd lacag jacayl, wuxu ahaa Nin aad u lacag jecel. Asxaabtiisa markuu la fadhiyo wuxuu dhihi jiray waxaan rabaa inaan wax sameeyo, inaan wax yeesho, inaan hanti badan helo iwm. Asxaabtiisuna way ku qosli jireen waayo wuxu ahaa Nin dharka tola (harqaanle).

Sheeko qiimo badan Qasaaraha u baddel Faa'iido
Sheeko qiimo badan Qasaaraha u baddel Faa’iido

Oscar wuxu saaxiibbadii ku yidhi waad arki doontaan waxaan sameeyo. Wuxu iibiyay (gaday) waxwalba oo hanti uu lahaa waxaanu tagay dalka maraykanka gaar ahaan gobolka California. Maraykanka umuu tagin inuu xirfaddiisa ku shaqeeyo, balse Oscar waxa uu ka maqlay qaar ka mid ah ehelkiisa iyo asxaabtiisa in maraykanka uu jiro kayd dahab ah oo dhulka ku kaydsan Waxay dadkaasi u sheegeen Oscar inay maqleen in hadii aad dhulka qoddo (faagto) uu kaaga soo baxayo dahab! Marwalba oo aad meel qoddo inaad ka helayso dahab. Uu dhaqaaqay waxaanu soo iibsaday qalabka dhulka lagu qodo si uu dahab u raadiyo, halkan ayuu ka raadiyaa, halkaas ayuu ka raadiyaa, dadka ayuu waydiiyaa laakiin waxba waa uu ka waayay heer uu gaadhay inaanu 1$ ugasoo hadhin lacagtiisii. Dhulka ayuu fadhiistay isagoo ooyaya, gaajo darteed dariiqyada ayuu ubaxay oo uu fadhiistay isagoo dadka cunto waydiisanaya heer uu gaadho inuu cuno cuntooyinka qashinka lasoo raaciyo! Dariiqa isagoo fadhiya Waxa soo martay gabadh, roob ayaana da’ayay wakhtigaas naxariis ayay u muujisay way dhaqaaqday waxaanay usoo iibisay teendho waxaanay ku tidhi “wiilkaygiiyoow” qaado teendhadan oo roobka ka gal. Teendhadii ayuu qaatay waxaanu la tagay mid ka mid ah wadooyinka tareennada ee California kadib teendhadii ayuu dhex seexday. Muddo kadib wuxu arkay surwaalkiisii oo jeexmay waana uu dhibsady waayo waxaa jiray roob iyo qabaw daran. Jawigii uu dagay kadibna wuxu arkay god dhulka hoostiisa ah (nafaq) kaasoo cidlo ah godkii ayuu galay halkaas ayaanu iska dagay. Su’aal ayuu iswaydiiyay isagoo leh maxaan uga baahanahay teendhadan imika? Waan jeexjeexi kadibna surwaal ayaan ka tolan .Teendhadii ayuu kala googooyay kadibna wuxu kasameeyay surwaal, surwaalkii ayuu si fiican ugu labistay Kadibna wuxuu dhexmaray suuqyada California isagoo aad u xarragoonaya, iyadoo sidaa ay tahay ayaa waxa arkay niman shaqaalaha dhismayaasha ah, surwaalkii ayay fiiriyeen, way qabteen, kadibna waxay waydiiyeen nooca dunta ah ee uu ka samaysan yahay waayo waa dun adag oo teendho laga sameeyay. Waxay waydiiyeen yaa soosaaray surwaalkan? Wuxu ku jawaabay “aniga” waxay yidhaahdeen waanu ubaaahannahay, Nimankii shaqaalaha ahaa waxay Oscar u kexeeyeen ninkii madaxa shaqaalaha ahaa Kadib wuxu ku yidhi ma awoodi kartaa inaad noo keento 30 surwaal oo noocan oo kale ah? Wuxu ku jawaabay “haa” lacag hormarin ah isiiya, lacagtii ayaa la siiyay teendhooyinkii ayuu soo gaday kadibna 30 kii surwaalba uu soo sameeyay wuxuna u keenay ninkii madaxa shaqaalaha ahaa, lacagtiisiina wuu qaatay. Kadib shirkad kale ayaa ka codsatay Oscar inuu u soo sameeyo 100 surwaal oo noocii ah waanu usoo sameeyay. Ma garanaysaan ninkaa Oscar cidda uu yahay? Waa ninka iska leh shirkadda ugu wayn ee soo saarta saraawiisha jeans ka ah caalamka!
Xigasho: DR Wasiim yousef (Jordanian-Emirati) preacher.
Turjume: Abdirahman saleban.

Runtii waa sheeko yaab badan oo laga faa’idi karo

 

Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More