Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa

Su’aasha:

asc bahda daruur wa idin salaamey waxaan raba inaad ila talisaan waxaan ka shaqeeya meel caruurta lagu xanaaneeyo oo madrasa quraan ah waxaan kushaqeeyn jirey nidaam aad ufcn beryahan waxaan isku arkey shaqada markan tago culees ayaa isaarmaa ayado aan u3 iloowey qaabkii an ushaqeyn jirey oo caruurtasi wax ubari jirey arintaasi aad ayn iskula yaabey dadka meeshasi maamulka ka ah waa dad an isku fcnhy misane hadana mararka qaar shaqada ayaan nacaa ayado aad aan ujeclaan jirey shaqadeeda arintaasi maxey noqon karta.

Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa
Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa

Jawaabta:

Sida aad sheegtay waxaa laga fahmayaa in shaqada aad mar hore jecalayd hadana aad dhibsanayso.

Xaaladahan oo kale waxaa laga yaabaa inay u noqdaan nafsiyaadka oo waxaa dhici karta in aad ku fikirtay shaqo kale ama dad aad aragtay shaqo fiican haystaan oo lacag badan helaya markaas aad nacday shaqadaada, ama dad meesha shaqada kula jooga oo hadal niyadjab ayay kugu dhaheen.

Waxaa kaloo dhici karta in lagu ileystay, isha waa xaq, waxaa laga yaabaa in la arkay sida aad shaqada ku tahay markaas il ku qabatay.

Waxaa kaloo dhici karta in lagu sixray, adduunkan dad waxaa jira xaasid ah oo dadka ka shaqeeya oo xumaan la rabo oo sixir u sameeya.

Marka haddii shaqadaada ay kuu fiican tahay oo aad ku nooshahay ku dadaal si aad u haysan lahayd , Quraan akhriso inshaa Allaah Alle waa kaa qaadi doonaa wixii dhib ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More