Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa

Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa

Su’aasha:

SC waxan rabaa inaad ii shegtan saliid macsarada timaha waxa ay tarto, gabdho badan ayaan ka helin inay timaha marsadaan, waxay raadiyaan saliidaha sijilaatada ah oo dibadda laga keeno, waxaan rabaan haddi ay waxtar leedahay saliid macsarada inaad iiso shegtaan.

Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa
Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa

Jawaabta:

Saliid macsarada waxay ka mid tahay saliidaha ugu qiimaha badan, dhanka cunitaanka iyo marsashadaba,  waxay wadataa labo aashato saliideed oo lagu magacaabo Palmitic iyo Stearic labadan aashato waxay xoojiyaan timaha sidoo kale saliid macsarada waxay wadataa vitamin K iyo Vitamin H.

Timaha dumarka kaliya wax uma tarto dhamaan timaha raga iyo caruurta ayay wax u tartaa.
Marka aan kaaga hadlo waxtarka ay leedahay dhanka timaha lama soo koobi karo waxaa ka mid ah waxyaabahan:

1- Saliida macsarada waxay dib u dhuigtaa timaha cirada, waxay ka reebtaa salka tinta inay kusoo degdegto ciro.
2- Tinta ayay korisaa, maqaarka madaxa ayay ka ilaalisaa qalaylka iyo dhibaatooyinka kaga imaan kara waxyaabaha kiimikada ah.
3- Tinta ayay jilcisaa, qofka marka uu saliid macsaro mar kaste marsanayo timihiisa way jilcayaan.
4- Daadashada timaha ayay reebtaa, qofkii timadaadasho ka cabanaya, hadduu saliid macsaro aad u adeegsado daadashada timaha way ka haraysaa
5- Saliid macsarada injirta ayay la dagaallantaa.

Sesame oil is produced as a result of pressing the small sesame seeds, it is very useful for containing many antioxidants and compounds, and sesame oil is used mainly for cooking, and other things related to food and nutrition, as well as its use in many cosmetic products; because of its high nutritional value

Saliida sisinta waxa laga lisaa marka la miiro iniinta yar ee sisinta, waxa ay ku fiican tahay in ay ka kooban tahay maadooyin badan oo Antioxidant ah iyo compounds, waxa kale oo saliidda macsarada loo isticmaalaa in wax lagu karsado, iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha cuntada iyo nafaqaynta, iyo sidoo kale isticmaalo kale oo badan. alaabta la isku qurxiyo; sababtoo ah waxay leedahay nafaqo qiima badan oo sarreeysa

Saliid Macsarada Timaha La Marsado Mala Cuni Karaa

Saliid Saytuuntu Ma Waynaysaa Geedka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More