Ninka Sooman haduu siigeysto kafaaro gud maa laga rabaa?

Ninka Sooman haduu siigeysto kafaaro gud maa laga rabaa?

Su’aasha:

Walaal Ninku haduu gacanta biyaha isaga keeno ama uu siigeysto iyadoo la sooman yahay sidaasna uu ku biyo boxo soonkiisa muxuu u dhimi karaa? Mida kale qofkaas kafaaro gud maa looga baahan yahay sida ninka markuu xaaskiisa Jamaaco kafaaro gud looga rabo?

Ninka Sooman haduu siigeysto kafaaro gud maa laga rabaa?
Ninka Sooman haduu siigeysto kafaaro gud maa laga rabaa?

Jawaabta:

Qofka asoo sooman hadduu biyaha shahwada siigo ku keeno soonkiisa waa jabaa waxaa ku waajibaya inuu soo gudo maalintaas,

Culimada waaweyn dhammaantoooda waxay qabaan soonka inuu ku jabayo siigada biyabaxa wadata, wuxuu yiri Ibnu Qudaama:

(ولو استمنى بيده فقد فعل محرماً، ولا يفسد صومه به إلا أن ينزل، فإن أنزل فسد صومه)

(Hadduu gacantiisa ku siigaysto wuxuu sameeyay fal xaaraan ah, soonkiisana ma buro markuu biyabaxo mooyee, hadduu biyabaxo soonkiisa waa buraa)

Siigada la mid ma aha galmada maalinta ramadaan oo ay kafaaro ku waajibayso qofkii sameeyo, farqi ayaa u dhexeeya, galmada iyo siigada isku xukun ma noqon karaan, laakin qofkii asoo sooman siigo sameeyo dambi foolxun ayuu la yimid waxaa laga rabaa inuu ka towbad keeno, maalintaasna inuu soo qaleeyo.

 

 

Qof janaabo qabo ma soomi karaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More