Nin ayaan lacag si been uga cunay cibaadada ma layga aqbalaa

Su’aasha:

Asc Wllo

1. Waxan lacag ka qaatay qof Muslim ah lacagtana waxan ugu qaatay been aan u sheegay inan shaqo geeyn doona balse shaqadii waala wayay lacagtiina way igu baxday manta meel aan ka keena ma aqaano waxana ka cabsanaya Alle SWT in uu iga carooda anigana ma awooda inan lacagtiisa hadda u celiya balse niyadeeda waxaa ku jira inan u celiya lacagtiisa maalinta aan helo.

2. Lacagtaas aan beenta ku qaatay waan ka shalayay HanLacagwaana ka murugooday habeen iyo maalin ma seexda mana awooda sidan ku gudi laha waana ka towbad keenay inan markale qof aan been u sheegi xoola dad kale aan cunin.

3. Mar hadii aan ka towbad keenay Ma Salaada , sadaqada iyo Tasbiixda ma la iga aqbala madama xoolahas la igu leeyahay aan awoodin inan bixiyo ama aan u tago qofka aan ka qaatay anoo ka cabsi qaba in uu sharafta iga qaado ama igu dhaha xoolaheyga inta ii soo dhiig ama waan ku xirana.

F.G walalo waxan ku weydiina inta lacagtas la igu leeyahay Cibaadada alle ma la iga aqbalaya waayo haddan helo lacag inan iska bixiyo raba Kurbo igu haysa aan la seexan wayay.

Nin ayaan lacag si been uga cunay cibaadada ma layga aqbalaa
Nin ayaan lacag si been uga cunay cibaadada ma layga aqbalaa

Jawaabta:

Lacagta aad qofka ka cuntay waa lagaa rabaa waa inaad guddaa mar Alle markaad hesho waxaana waajib kugu ah inaad raadiso si aad lacgtaas ku gudi lahayd.

Cibaadada kuma xirna dambiga aad galayso, cibaadadaada waa meel dambigana waa meel, salaaddaada iyo soonkaaga iyo cibaadooyinka kale waa lagaa aqbalayaa haddii shuruudaha u degsan laga helo, dambigaaga cibaadada ma reebayo, laakin qofka hadduu dhinto asoo xoolo dad leh cunay way dhici kartaa cibaadadiisa in laga qaado ajarka uu ka helay qofka kale in la siiyo, taas Alle ayay u noqnaysaa.

  halkaan waxaad ka heli kartaa jawaab la mid ah middan  Lacag ayaan qof ka qaatay sideen ugu celiyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More