MD Kenya oo siiyay bas haweenka ducaadda ah ee Garissa

Kenyan president gives a bus to scholar women in Garissa

MD Kenya oo siiyay bas haweenka ducaadda ah ee Garissa

Wararka ka imaanaya dalka Kenya

MD Kenya oo siiyay bas haweenka ducaadda ah ee Garissa
MD Kenya oo siiyay bas haweenka ducaadda ah ee Garissa

Madaxwaynaba Dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta Madarasada xafsa binti siiriin ee Garissa ku wareejiyay Gaari bus ah oo ay haweenku ku aadi doonaan Madarasada.

Madaxwaynaha ayaa haweenka ducaadda ah ee Garissa gaarigan ku guddoon siiyay aqalka madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo kadib markii uu hoggaamiyaha aqlabuyadda baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka badhtamaha Garissa laga soo doortay Hon. Aden duale codsi u geeyay Madaxwaynaha.

Madarasada Xafsa ayaa ah madaraso ay haweenku aqristaan laguna barto diinta islaamka iyo culuumta sharciga ah.

Haweenka madarasada gacanta ku haya ayaa ah haween ducaad ah oo kabaxay madarada khadiija ee Garissa.

Garissa ayaa hooy u ah diinta islaamka waana dhacdo naadir ka ah dunida in dalalka aan islaamka ahayn ay dadka muslimiinta ah ku garab istaagaan barashada iyo fidinta diinta islaamka.

Raadraac:

https://www.facebook.com/ibrahim.rashid.18847

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More