Labada qoyaan oo farjiga haweenka ka yimaada farqiga u dhexeeya

Su’aasha:

walaal maxaa keena qoyaanka cad oo adag sida caano fadho oo kale ah oo siilka kasoo baxo oo badan wuxuu wataa ur aan loo adkaysan karin iyo cuncun ma cudur baa keeno mise waa caadi maxaa farqi u dhexeeya qoyaanka caadiga ah?

Labada qoyaan oo farjiga haweenka ka yimaada farqiga u dhexeeya
Labada qoyaan oo farjiga haweenka ka yimaada farqiga u dhexeeya

Jawaabta:

Qoyaanka ka yimaada farjiga haweenka midka adag oo xanjada ama caano aadkaaday u eg hadduu yahay mid wata cuncun iyo ur qaab daran waa cudur, wuxuu tilaamayaa inay jirran tahay xubinta siiba gudaha, waxaa jira daawo lagu nadiifiyo oo ka disha bakteeriyada in badan ayaan ka jawaabnay su’aalo la mid ah webka Daruur ayaad ka dhex raadin kartaa.

Qoyaanka caadiga waa mid biyo ah oo aan lahayn midab iyo ur qoyaankaas wuxuu kasoo baxaa marka gabadha ay diyaar u tahay inay uur qaaddo xiliga ugxamada diyaar ay yihiin ayay dareentaa, sidoo kale marka gabadha ay ninkeeda istiin la samayso ama ay soo xusuusato galmo ayuu imaanayaa, waxaana loogu talagalay inuu sahal ka dhigo galmada xanuunkana uu ka hortago.

Kan hore wuxuu  u baahan yahay in layska daaweeyo laakin kan labaad waa wax dabiici ah dhibna ma laha cuncunna ma wato kaliya kan dambe kacsi ayuu wataa iyo barar uu bararayo farjiga kacsi dartii.

 

Gabar 18-jir ayan ahay balbal iyo dhacaan baa i wareeriyay

 

الرطوبة من مهبل النساء  إذا  صلبة وتبدو وكأنها صمغ أو حليب  ثخين جدا فإذا كانت مع ذلك  حكة ورائحتها في شكل نفاذ فهو مرض ، فهذا يدل على أن العضو مريض من الداخل ، وهناك علاج يقتل البكتيريا

أجبنا على العديد من الأسئلة المماثلة  في الموقع يمكنك البحث عنها.

الرطوبة الطبيعية مائية وليس لها لون ورائحة. تخرج الرطوبة عندما تكون الفتاة مستعدة للحمل في وقت الحمل.

الأول يحتاج إلى علاج ، ولكن الثاني طبيعي وليس لديه مشاكل والحكة لا تعني فقط أن الثاني لديه انتصاب وتورم في المهبل بسبب الشهوة.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More