Calaamada wareegsan oo qorraxda lagu arkay magaalada Jigjiga

Dad badan waxay sheegeen inay ku arkeen magaalada Jigjiga qorraxda oo ku dhex jirto jeegaan zero ama wareeg hoos oo kale ah, dadka qaar waxay dhaheen qorraxda ayaa soo dhowaatay waana calaamad ka mid ah calaamadaha qiyaamaha.

Calaamada wareegsan oo qorraxda lagu arkay magaalada Jigjiga
Calaamada wareegsan oo qorraxda lagu arkay magaalada Jigjiga

Laakin run ahaantii arrintaas waa arrin jirto waxaana loo yaqaanaa هالة الشمس (Solar Halo) waxaana keenaya daruuro badan oo biyo xooggan xambaarsan iyo baraf yaryar, marka iftiinka qorraxda ayaa sidaas ka dhigaya wareegga dadka u muuqanaya, sidoo kale daxaya xitaa waa noqdaa sidaas laakin aad looma dareemo waayo iftiinka qorraxda oo kale ma laha, sawiradan waxay muujinayaan daxaya oo isla wareeggaas mid la mid ah ku dhex jira:

Marka arrintaas wax dhib ay leedahay ma jirto waxa ku wareegsan waa daruuro inshaa Allaah roob iyo aaran ayay tilmaamaysaa arrintaas sida ku qoraan kutubta ka hadasha cimilada iyo jawiga..

Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More