Bulshada Soomaaliyeed maxaa ka maqan

Soomaalida waxay iska dhaadhiciyeen inay yihiin dadka ugu fiican dunida, marka aad si fiican u eegto waxaa kuu soo baxaya inay yihiin dad dhinac walba ka liita.

Bulshada Soomaaliyeed maxaa ka maqan
Bulshada Soomaaliyeed maxaa ka maqan

Tusaale ahaan waxay dhahaan annaga 100% muslin ayaan nahay haddana waxaa xalaal laga dhigtay qof in xoolihiisa la dhaco lana dilo waa caadi.

diinta islaamka waxay ka qaateen salaadda iyo xijaabka, in qof hantidiisa la dhaco ama qof la dilo waa oggol yihiin.

 

qof ma awoodaa inuu kasoo baxo magaalada Muqdisho isagoo u sicda gobol ka mid ah gobolada soomaali isagoo aan ka baqaynin dil ama dhac ama kufsi.

 

waxaa hadda yaab badan arrimo cusub oo in la kufsado ilmaha yar yar kaddibna la dilo, waa wax aad xun oo maanta soomaalida ay bilaabeen.

tuugsi iyo tuuganimo inta laga soo baxay ayaa maanta ilmaha yaryar la kufsanayaa.

dad sidaas ah miyaad ka sugaysaa inay dal dhistaan, waa ummad laga soo nacay meel kasta adduunka aad tagto.

waa astaanta gaajada iyo dibudhaca iyo liidnaanta iyo saboolnimada.

Marka soomaalida waxay u baahan yihiin inay diinta oo dhan ku dhaqmaan

war soomaali haddaad tahay xishood ayaad u dhuuman lahayd iyo yaxyax.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More