Wacelka magaca aabbaha ee baasaboorka loogu qorayo

Su’aasha:

walaal ilmaha wacelka ama kisiga qofba siduu u yaqaano  haddii la rabo in loo sameeyo baasaboor magac aabe iyo awoowe sidee loogu qorayaa ileen aabihiisa lama yaqaanee ma u baan tahay qof inui kafaalaqaadoo oo uu siiyo magaciisa oo magcaas baasaboorka loogu qoro oo uu ku socdo maxaa xal ah fadlan jawaab ayan idinka sugayaa.

Wacelka magaca aabbaha ee baasaboorka loogu qorayo
Wacelka magaca aabbaha ee baasaboorka loogu qorayo

Jawaabta:

Cunugga ku dhashay sinada ama sharcidarrada isaga ahaan wax dambe kuma laha falka uu ka dhashay, mana habboona in lagu caayo, dambiga waxaa iska leh labada waalid oo sinada sameeyay, sidoo kale waxaa la mid ah midka kufsiga ku dhasho aabbaha kaligiisa ayaa dambiga qaadaya, illeen naagta la kufsaday wax dambi kuma laha sinada lagu sameeyay.

Wiilka ama gabadha aan aabbaha lahayn marka loo samaynayo aqoonsi ama baasaboor lama siin karo magac qof kale leeyahay, waayo diinta islaamka way reebtay qofka in loogu yeero magaca aabbihiisa magac aan ahayn.

Alle wuxuu yiri:

(ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّـهِ ۚ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوا آبَاءَهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ وَمَوَالِيكُمْ ۚ وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَا أَخْطَأْتُم بِهِ وَلَـٰكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ ۚ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)

(Ugu yeedha kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise, hadaydaan aqoonin aabayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo Sokeeyihiinna, Korkiinana dhib ma saara waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (ayaa laydin waydiin) Eebana waa dambi dhaafe Naxariista) rd

Laakin waxaa la samaynayaa arrin lagaga bixi karo mushkiladaas waxaa loogu yeerayaa aabbaha iyo awoohaha magacyo guud oo Alle addoon lagaga dhigayo sida Cabdullaahi ama Cabduraxmaan ama Cabulkariim ama Cabdulcasiis magacyadaas way badan yihiin waana magacyo aad u fiican, waxay ku dabaqmi karaan qof kaste waayo dadka oo dhan waa addoomaha Alle, sidaasna ilmaha waa loogu xaliyay dhibka haystay magacana ma aha wax been ah waayo aabbaha iyo awoohaba way qaadan karaan magaca la siiyay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More