Riyada qoyska iyo qasnado lacag ah

Su’aasha:

Asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday aniga iyo wiil yaroo dhalay oo guriga dibadiisa jiifna oon wiilkayga yar hadba bustaha huwinaayo
ayaaa waxaa albaabkii ganjeelka furtay xaaskayga gudahaanu galnay waxaa joogay caruur badanoon dhalnay
xaadkaygu waxay ahayd mid aad uu jecel oo aad iigu faraxsan ayay hab isiisay ooy idhunkatay
waxaan tagnay sariirtii waanan raaxaysanaynay iyadoo si aada iigu xiisa qabtay iiguna dhag dhagaysa si layaable ana waxaan ku faraxsanaa siday ii jeceshahay
anagoo aad u wada faraxsan ayaan waxaan sitay lacag dollar ah kabacdi waxaan furay qasnado kuwa lacagta lagu kaydiyo oo buuxda lacag iyo dahab iyo deeman waxaan kudaray lacagtaan siday
waan yaabay waxanoo lacagoon haysto waananu kuwada faraxsanayn anigiyo xaaskayga iyo caruurtuba
Allah mahadle.

Riyada qoyska iyo qasnado lacag ah
Riyada qoyska iyo qasnado lacag ah

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa raaxada adduunka iyo nolosha aad heli doonto,  adiga riyooyinkaaga aad bay isugu egyihiin, waxayna wada tilmaamayaan inaad yeelaan doont hanti iyo jago iyo awood.

Bustada aad ilmaha yar ugu daboolaysid waxay tilmaamaysaa sida aad u ilaalin doonto ubadkaaga iyo jacaylka aad siin doonto.

Marka riyada waxaa kaloo ku jirto guur haddii aad tahay doob haddaad xaas leedahayna waa jacayl iyo raaxo aad kala kulmi doontid xaaskaaga.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More