Miraha geedka mukuyga iyo caafimaadka

Geedka mukuyga oo loo yaqaano afka carabiga الجميز  ama  الرقاع   ama  الثالق  ama الابرا englishka waxaa loo yaqaanaa sycamore fig ama fig-mulberry ama Ficus sycomorus, wuxuu ka mid yahay geedaha ugu caansan uguna cimriga dheer, waxaa loo tiiriyaa bahda geedka tiinka oo quraanka lagu sheegay.

Miraha geedka mukuyga iyo caafimaadka
Miraha geedka mukuyga iyo caafimaadka

Geedka mukuyga waa geed caafimaadka u roon miraha uu dhalo dhacaanka geedkaas wuxuu dilaan jeermiska, sidoo kale mirihiisa cloosha ayay jilciyaan sidoo kale waxay xoojiyaan difaaca jirka wuxuu u roon yahay cudurada cirridka iyo jirrooyinka kelliyaha, waxaa la sheegay calemihiisa marka biyo lagu karkariyo waxay u roon yihiin caloosha waxay sifaynayaan codka neeftana way furayaan waxyaalo badan ayuu taraa.

Geedka mukuyga meelo badan ayuu ka baxaa dunida, dalalka uu ku badan yahay waxaa ka mid ah soomaali, miraha geedkaas marka ay soo daataan lagama faa’idaysto waxaa laga yaabaa meelaha qaar inay caruurta iska cunaan laakin ma aha wax ay dadka qiimeeyaan, cayaar cayaar ayayn u cunaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More