Maaweelooyinka Mashaqada Masiibooyinka Haysta soomaali Maalinba Meel Ayay Marayeen Magaalooyinka waa wada gaartay Maantana Ma Marsooyinkii ayaa Loo Maaro La,yahay oo Qoloba siday Rabto uqaadanoo
Ay Qayb uyeelan Qotonsana baroosinkeeda Mar Haduusan Qaranku xooganayn Qalbiyaduna aysan Midaysnayn in La Qaato Qaybo Badan oo ka Mid ah Marsooyinka soomaaliya Lana kala Qaybsado Wixii ka soo Baxa Qalina Lagu Duugo isagoo uu joogo Halka ay Qaybtu ka Dhacaysay Maamulka Maanta Mogdisho ka Dhisan Madaxii ugu sareeyee Laga Maaganaa in uu ka Maagto oo uu Maya yiraahdo intuu Martida ku ahaa Meeshiiba Laakiin Markii uu mugdisho yimid in Makarafoono uu rakibto oo uu Maaweelo iyo Maya yiraahdo kolay Maalmahaa kala cadayn Maagiisa iyo waxay Noqdaan Marsooyinku (Dakadahu) ileen Maanta soomaali Meesha
ay taal Waa uun Tallo xumo Reereede Tanfaraaruquna Waa uu socon inta sidan waxyihiin Dakuna kala Gadoodsanyahay
Ee yaan sabiyada La sirin socdaaladu Ma Qurxoonee kuwa Badana suudkaa siroo sowdkay kor u Qaadaan iyagoon saxayn Hadaladooda sabada Hoteeladayna ku waabariistaan oo ay Dhex fadhiyaan.
Berbera Ma adaa xukuma xamar ayaad Dhaafi La,dahee Dhab Haloo Wada Hadlo Dhibku Wuu Dhamaane ama Dhawaaqan Hala iska dhaafo Dhalaankana yaan Dhib Hor Leh La barin Lana Beerin Dhunkaal Dhib Horseeda Baledku Waa Baylahe Balcad Bal fiiriya Baasihii shalay ka Dhacay ogaadana Balcad Waa Bowdka oogu xiga xamar iyo Halbowlihii isu socodka soomali Sida siinka Dheer iyo Afgooye Ee sii aada Baydhabada Aan Baabuur Lagu Aadi karin Hadaba Ma Maalin Hadalbaa Mise Waxay Ahayd in ay Hogaagtaan oo ay iska Huleelaan ILeen La arag ishooda iyo Adaagoodee
Laakiin Waa aadanoo waa soo ilwaynyihiin isayaana isla Quman iyagoo Qaldan
Qaylo maxay tari Waa Qaran Qalad Laga Wada Galaye Qabiilna Qandi Lagu Wada watee Hadaan la Qaban Qaladkan ay Qabyaaladu Qarashka noqotay Dad ay uu ku Qado Helayaan kuwana ay Qusuur Ka Dhisteen Qaaradahana
ugu kala Gooshayaan Kala Goynta Gayigii soomaaliya .

Macalin Gaabow
#xaalka soomaaliya .