Dhinicii loo Dhaqaaqaba waa ula lug.
Hadalkii la dhahana Dhab ayuuba moodaa
waana u Dhagataagaayoo
Dhooroof xumaana ku dheehanoo
Waa uun Dhalaan sidiisii oo kale dharaar walba
Dheef raadinbaana kala dhantaashay dadanimadiisiiyoo
Dharigii Qiiqiba Wuu dhowrayaaye
Dhaqan wanaagsan lama soo barinoo
abidba lama dhihin Halkaas kuuma haboonee Ha istaagine.
Dhibane weeyoo Dhab wax looguma sheegine. Dheeldheel ayuu moodaa nolasha aduune Aakharo in ay jirtana waaba ilowsanyahaye Dhadhab in la is dhigiyoo dunidan lawada Dhaafi sowma oga .
Hadaan Dhab loo wada hadlin lanana is Dheehin dhihistana la isu dharaarinin
Dhinbilaha colaada iyo dhamaca rasaastu siday ooga dhamaato Dhulka soomaaliyeed waa Habeenkii xalay ahaa Ee tagay oo kale Dhuuni raac yuusan Reeraha soomaaliyeed isku dirine Diidnay Ha la yiraahdo kuwa dhoohanee dhuuntu uduleeshee dhaqaale doonkana ah .

Macalin Gaabow
#xaalka soomaaliya .

jumca wanaagsan .