Arday

Arday uusan aamus iyo Edebi ka Muuqan
Arlo uu Aarmigu ahmin kayahayoo
Arimahana asaga lagu ahaysiiyo
Arla aanba la is oranayn yaa og oo
Aanba Aqoon loo Aabayeelaynin
Aqli meel aan la fiirinayninoo Ruux walba uu ordaayo asaguna isla saxanyahay .
Ahmiyadu Meel ay tahay Adigubu Gaar kama
Aag liidatide iyo imisuu Reerkiinu umada ka halaagay loogu kala horeeyo hogaaminta
Ardaa ay Arintiisu tahay oohinta Agoonta iyo intoodoon la gaarsiinin u arxaminba daaye oo
Aan loo Aabayeelayn Aabihii kii la dilayna
Aayar la agmarayo Arxandaradu Meel ay
Asluub ka Noqotayoo umadu ay wada ordayso Aduunkoo idilna uu soo aaday agtooda oo aanba ogaal loo lahayn Aarka dilay dadkoodee diidan danahooda iyo aahaanshahooda .
Alif waxmale mid aan dhiganinoo ka Arimaninaya diinta kana hadlaya aayatiinkii umada oraahdiisuna ay Qaldan tahay
Aafa kuwo uwada ordayoo dadkii miinooyin u
Aasaya Afrikadaan Adebta bari jirnay kuwii
Ardaagooda ilmahii soomaali ubaahshay
Afku dhiigle dadka isku diriyoo hadana doobin
Ayaan Kay arkaanba way iska daba ordaane waa umad horay loo aafeeyoo anshaxii lagaga
Asqeeyay ishtiraakiyadii loo soo Arooriyaye
Aasaydii Qabiilkee Dadka lagu siray suntii la
Abuuree dadkii lagu kala saraysiiyay miyay wali
sii wadaanoo ay saaka u sacaba tumayaan ma
Aragtidoodaa owdan mise waa Duul danbiyada
Danbiilo ku watoo laga daabacay wanaaga .

macalin Gaabow.
#xaalka soomaaliya.