Hugun iyo Hadal umadi kuma Hormarmatee waxba yaan umada lagu Habin humaag iyo Halkaasbuu tagay iyo Waa laga Hortagay oo waa loo Heelanyahay aan Halba ka jirin.
Dadku waa Habqan marba meel loo Huleelinayoo lagu Haasaawiyo Hamilo been ah. iyo Howhow aan Halaba ka jirin
Ma Haday ahayd in Hadba Habeen Meel La Baryoo lagu Hanbado Hantida Dadwaynaha
Ayadoo dadkii soomaaliyeed Guryahoodii Haawanayaanoo ayna inbadani Haysan
Waxay Dabka ku Hursadaan iyo caano ay ku Habaan ilmahooda iskadaa Hoy iyo meel ay ku Hoydaane oo ay Hoos Harsadaane .
Hanaanka ay uyaalaana waa Laga wada Hinqan lahaa Haduu Hindise jiri lahaa oo loo Heelanyahay dal Hagaajintii iyo dad ku Hogaamintood Horumar ay ku Hodmaan.
Ee Howlo kale iyo Haybhaybinbaa wali Dadku u Heelan yihiinoo u Hamuun Qabaan.
Waadna ka dheehan kartaa Hadalada socda iyo sida Huwanta loo kala yahay iyo Dadka howsha u Hilan iyo hilooyinka lagu kala arooro.
Ee laga soo Helayo Hantida iyo Hubkan aan xadka lahayn Ee umadii lagu Halaagay.
Ee Had iyo jeer la isugu Huruufayee loogu Hardamayo hanashada Hogaanka iyo Hoobhoobsiga Hantida umada soomaaliyeed. Adigoon xaafadii Hodan ahayd Habeena ku Hoyan karin in magaalooyin fogfog fardo laguugu Hibeeyo Halyayna lagu yiraahdo Hungurina lagu hordhigo Hurdo hoobiye la,aan ahna aad Hesho oo waliba laguu sii Hamuun Qabo oo kuli dadkii kuu soo Huleelaan Bal adiguba UHel hadal oo Halkay arini ka buktaa?!!
Hor istaagii oogu horeeyay ardayna ay noqoto Halkaas fasir maloo heli karaa ?!!!!
Dib Haloo Eego Howsha soomaali dadku hadal waa ka daaleene yaan lagu Hodmin Hogog Hore iyo Howlihii la isku diidayee
Hubkana keenay Hawada soomaliya
Dadkuna isu hardinayaan ilaa iyo Hadadan aan joogno Ee sanadka 2018 .

macalin Gaabow.

#xaalka soomaaliya.