Dhiigga%20ilkaha
Sababta keenta dhiigga ilkaha iyo urka afka iyo daawada ku habboon (yirid)
Sabata keenta Ilkaha iyo cirridka in dhiig ka yimaado
 
sababo badan ayaa keena dhiigga ilkaha iyo cirridka
 
1- bakteriya ayaa ka dhalata wasakha qaarkii ilkaha qabsada markaas cirridka ayaa bukada oo barara
2- dhiigyari daran qofka marka ay hayso
3- kaniiniga uurka joojiya oo keeni kara arrintaas
4- hormoonaadka naagta inaysan ahayn kuwa toosan oo nidaamsan
5- jirrooyinka khatarta ah oo la xiriira difaaca jirka
6- in jirkaaga uu ka maran yahay vitamin K iyo Vitamin C
7- cudurka beerka iyo sokorta
 

Maxaa la socda cirrid xanuunka

 
1- afka oo si xun usoo ura
2- afka oo aad qallala
3- marka aad cadaysanayso inuu dhiig afkaaga ka soo baxo
4- inuu dhiig kaa soo baxo marka aad cunayso cunto adag
5- afka inaad ka dareento dhadhan aan fiicnayn
 
Sidee loo daaweeyaa afka dhiigaya
1- inaad adeegsato buraash jilcan iyo daawada ilkaha maalin kasta
2- inaad ku luqluqato biyo qadnac oo qaaddo yar cusbo lagu daray
3- inaad afkaaga ku dhaqdo biyo iyo khal laysku daray, siday u dilaan bakteriya iyo jeermiska
4- cuntada ilkaha kaa galayso iska soo saar mar kasta
5- cabbitaanada laga helo Vitamin C badso sida liinta dhanaan oo kale
 
Waxaa soo dhan waxaad kagaga badbaadi kartaa sunnada nabiga sc woo ku boorrisay muslimiinta cadayga salad walba
عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لولا أن أشق على أمتي لأمرتهم بالسواك عند كل صلاة
Haddii aysan dhib ku ahaan lahayn ummadayda waxaan amri lahaa cadayga salaad kasta
 
Qofka xadiiskan ku dhaqmo
oo maalin kasta shan jeer
cadeysta way fog tahay
inay cuduradan
ku dhacaan