Bunka%20iyo%20soorta
Dadka Soomaaliyeed waa dad runtii taariikh weyn ku leh geeska africa, sidoo kale waa dad haddii ay isku xirmi lahaayeen ay ka yaabin lahaayeen dunida, laakin balaayo ayaa lagu saliday oo ay ka fakan la'yihiin, balayadaas oo ah mid ay fududahay sidii looga fakan lahaa, laakin kama fakan karaan, dadkan isku diinta ah isku afka ah isku qaabka iyo dareen ah hadana waxaad arkaysaa inaysan is fahmaynin, ilaa iyo hadda qof fahmi karo ma jiro dhibka haysta.
qabyaaladda soomaalida ku dhegan marka aad aragto waa wax ay ka hormariyeen wax walba, waxaad aduunka arkaysaa umado badan oo kala fog dhaqan ahaan diin ahaan qaab ahaan hadana isku xiran dowlad leh.
su'aal yaab leh oo jawaab u baahan
soomaalida waa dad muslimiin ah oo diinta jecel inay ku dhaqmaan ragooda garka way la baxaan haweenkoodana wax ka xijaab weyn aduunka ma jiro, maxaa loo heli waayay amaan ? nabadgelyo? qofka maxaa loo dilaa? maxaa loo dhacaa? taas ilaa iyo hadda jawaab looma haayo, dilka iyo dhaca waxay ka mid yihiin dambiada aadka u waaweyn

Soor%20kulul