Jacaylka%20jaban%20the%20broken%20love

    Jacaylka jobsan maxaa laga wadaa?


runta marka laga hadlo nin iyo naag marka ay rabaan inay isguursadaan waxay sheegaan inay jacayl isu guursadeen waxaan ka hadlayaa dadka aan laysku darin ee dadka iyaga iska soo doortay bulshada, waxaa laga yaabaa maalmahan arintan inay ka badan tahay sheekada sida ay u socoto taas oo keentay dumarka qaarkooda inay u malayaan jacaylka afka in laga sheego .
waxaad arkaysaa raga qaar haweenka been ayay ku daldalaan oo aan waxba ka jirin marka jacaylka dhabta ah goorma uu imaanayaa

runta marka laga hadlo jacaylka dhabta ah wuxuu u baahan yahay qofka marka si fiican loo ogaado siiba waa badan, in lagaaga sheekeeyo dabeecadda gabadha ama tan ninka dadka qaraabada ama xaafadda ama dersika inay kaa siiyaan garasho qofka hortaada taagan kaas oo ah qof aad adiga jecelaanayso haddii aadan helin arintaas waxaad kala kulmi kartaa middaas inay tahay mid yaab badan.
waxaa kaloo jira inaad aragto qof maanta oo dhan jacayl sheeganaya haddana ku dhahayo qofkan waanba nacay.
sidoo kale wiilal badan iyo gabdho jacaylka si qaldan ayay u fahmeen taas oo keentay in labo qof aan xalaal isku ahayn inay jacayl isla jilaan si labo qofood lamaane ah oo kale.
astaamaha jacaylka dhabta ah waxaa lagu gartaa

  1. ninka ama naagta qofka kale inuusan dhibin

  2. inuu daacad y yahay

  3. inuu ka naxo

  4. inuu u naxariisto

  5. inuu u dhimriyo

  6. inuu ka helo mar kasta inuu la joogo oo uu wax u qabto


haddii taas la waayo inta badan jacayl ma jiro waa been abuur
dumarka iyagana taas ma fahmi karaan waxay u malaynayaan ninka beenta u sheegaya inuu run sheegayo oo uu wado