Mudulood Hiraab halkuu kasoo jeedaa

Mudulood Hiraab halkuu kasoo jeedaa

Wax ka baro sida Mudulood u dhashay iyo deegaannada uu dago si aad u suureysato

Mudulood Hiraab waa beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed waana Beesha ugu weyn beelaha Hawiye Tiro ahaan iyo Deegaan ahaanba. Waana curudka beelaha Hiraab.

Mudulood Hiraab halkuu kasoo jeedaa
Mudulood Hiraab halkuu kasoo jeedaa

Waxay dagaan inta u dhaxeysa lagasoo bilaabo Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ilaa deegaanka turdho ee Gobolka Jubbada Hoose, sidoo kale dhanka badda waxay dagaan laga soo bilaabo Banaadir ilaa Hiiraan iyo gudaha ismaamulka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan Gobolada Nageyle iyo Liibaan oo waliba Gobolka Nageyle ay 95% kaligood dagaan.
Hadaan si kale u dhigo waxay dagaan Mudug, Galgaduud, Shabellaha Dhexe, Banaadir, Shabellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Hiiraan. Sidoo kale Gobolada Nageyle iyo Liibaan ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Sida Beeshu U dhalatay:

Hadaan si kooban u sheego waxaa la dhahaa 4ta iyo adeerkood iyo adeeradood oo Sedex ah dabcan hoos ayaad ku fahmeysaa:

1- Maxamed Mudulood oo loo yaqaano (Beelweeynta Cabdi Shiiq) waa curadkii guud ee Mudulood.
2- Ciise Mudulood oo loo yaqaano (Udeejeen)
3- C/raxmaan Mudulood oo Loo yaqaano (WACWEETEEN Mudulood)

4ta Cismaan Dalandoole Mudulood iyo Adeerkood

4- Hilibi Daalandoolle Mudulood (waa Adeerka)

Afarta Cusmaan Dalandoole Mudulood
5- Abgaal Cusmaan Dalandoole
6- Moobleen Cusmaan Dalandoole
7- Wacdaan Cusmaan Dalandoole
8- Ilaawaay Cusmaan Dalandoole

Waxaa kasoo jeeda Mudulood 4 kamid ah 9 ka madaxweyne ee Soomaaliya soo maray iyo laba Raisul-wasaare oo kala ah:

1- Aadan Cabdulle Cusmaan
2- Cali Mahdi Maxamed
3- Sheikh Shariif Sheikh Axmad
4- Xasan Shiikh Maxamuud

5- Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
6- Cali Maxamed Geedi.

‎ (يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ).

(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay)

Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ: إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ ، وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى عَجَمِيٍّ ، وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ ، وَلَا لِأَحْمَرَ عَلَى أَسْوَدَ ، وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ ، إِلَّا بِالتَّقْوَى ، إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ … )

Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badan).   Waxaa wariyay Abuu Nucaym iyo Bayhaqi

Hadaan wax kaqalday fadlan ila iga sax.

Qore: Abdirahman Adan Osman

 

Beesha Ugu Xifdin Badan Quraanka Kariimka

Beesha Soomaali Ugu Bakhaylsan Waa Qoloma

Qabiilka Kaste Waxa Uu Ku Fiican Yahay

Qabiilka Soomaali Ugu Guurka Badan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More