Meelaha ay dhexdhexaadnimada kaga sugan tahay Qur'aanka iyo Sunnada

Rate this item
(0 votes)

B- Dhexdhexaadnimada ku sugan Qur'aanka:

قال تعالى: ( وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطً)ا(1)

Ilaahay wuxuu quraanka inoogu sheegay: ((Sidaas ayaannu idinka yeelnay ummad dhexdhexaad ah) oo loola jeedo ummadda ugu cadaaladsan uguna kheyrka badan.

وقال تعالى:  (فَوَسَطْنَ بِهِ جَمْعًا) (2)

Sidoo kale wuxuu ilaahay yiri: (Cadawgana dhexgalay) safafka ayay dhex galleen marka dagaalka.

وقال سبحانه: (مِنْ أَوْسَطِ مَا تُطْعِمُونَ أَهْلِيكُمْ).(3)

Wuxuu ilaahay yiri: (Waxa ugu dhaxeeya oo aad ehelkiina ku quudisaan)  (oo laga wado dhexdhexaad ku quudiya, wax aan qaali xad-dhaaf ah ahayn. Raqiis aad u hooseeyana ahayn)

وقال تعالى: (قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُلْ لَكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ)(4)

Waxa kale oo uu ilaahay yiri: (Wuxu yiri koodii ugu dhexdhexaadsannaa"caddaalad iyo caqli badnaa" miyaanan idin ku oran  maad ilaahay u tasbiixsataan.  oo insha allaahu tidhaahdaan)

وقال سبحانه: (حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى)(5)

Sidoo kale wuxuu ilaahay yiri: (salaadaha ilaaliya. Salaadda dhexe na ilaaliya) Macanaha ugu saxsan ee lagu sheegay salaada dhexe waa  salaadda Casar. Sheegistaasna waxa looga soo dhimbiil qaadanayaa hadalkii rasuulka (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee maalinta Axsaab.(Waxay naga jeediyeen salaaddii dhexe. Salaaddii Casar. Illaahay guryahooda iyo qabriyadoodaba naar haka buuxiyee) (1)

 

T-Dhexdhexaadnimada ku sugan Sunnada Nebiga:

Sunnada Nebiga ee dahiran (naxariista iyo nabadgalyada ugu fiican  saaxiibkeeda korkiisa ha ahaatee) waxay leedahay heerkeeda xagga sharciyaynta , waa masdarka labaad ee sharciyaynta  islaamiga  Qur'aanka kariimka kaddib, waxayna ku leedahay Qur’aanka kariimka xaggiisa qiime  .waa midda faahfaahisa duudduubkiisa, qaydna u samaysa mudlaqiisa, khaasna ka dhigta meelaha sida guud uu uga hadlay quraanku, isla markaana sharaxda oo caddaysa qodobadiisa "Axkaamtiisa".

Sunnada Nebiguna waxay leedahay kaalinteeda dhexdhexaadnimo iyo ku toosnaanta dhexdhexaadnimada, marka laga eego xagga caddaynta iyo faahfaahinta wixii Quraanka lagu sheegay iyo sidoo kale ku dhex caddaynta  "manhajka" dhexdhexaadnimada ayadoo loo marayo xadiisyada Nabiga. (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) Iyo talaabooyinkii rasuulku ka fuliyay bulshada islaamka dhexdooda iyo waliba fikir ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Xaqiiqdii waxa ay ahayd hagiddii Nabiga mid saamayn ku  leh sugitaanka dhexdhexaadnimada  ee arrimaha oo dhan.

Dhexdhexaadka iyo toosnaanta waxy ku lahayd natiijooyin waaweyn faafinta islaamka iyo fadaa’ishiisa, iyo jacaylka dadka ay u qabaan islaamka, iyo soo gelitaankooda diinta Alle iyagoo kooxo ah toosnaantiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa  iyo weynidiisa iyo dabacsanaantiisa awgeed

Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu muslimiinta ku hagi jiray manhajka dhexdhexaadka abuu hurayra waxaa laga wariyay inuu nabiga yiri :

«دَعُونِي مَا تَرَكْتُكُمْ، إِنَّمَا هَلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ بِسُؤَالِهِمْ وَاخْتِلاَفِهِمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ، فَإِذَا نَهَيْتُكُمْ عَنْ شَيْءٍ فَاجْتَنِبُوهُ، وَإِذَا أَمَرْتُكُمْ بِأَمْرٍ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ»(2)

(Ii daaya wixii aan idiinka tago, waa la halaagay dadkii idinka horeeyay waxa lagu halaagay su'aalaha iyo khilaafka nebiyadooda. Haddii aan wax idinka reebo ka fogaada. Haddii aan wax idin amrana la kaalaya inta aad ka awoodaan).

Waxaanu rasuulku (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku hagi jiray asxaabtiisa kooda doonaya in uu joogteeyo cibaadada iyo shaqada ,waa in uu kabadbadin ama uuna isku adkeenin.

.فعن عبد الله بن عمرو بن العاص t قال: قال لي رسول الله

: «يَا عَبْدَ اللهِ، لَا تَكُنْ مِثْلَ فُلَانٍ كَانَ يَقُومُ اللَّيْلَ فَتَرَكَ قِيَامَ اللَّيْلِ»(1)

Waxa laga soo wariyey Cabdilaahi binu-Camar binu-Caas (ilaahay haka raali noqdee) in uu yidhi rasuulkii ilaahay baa igu yidhi: (Cabdullaahiyow ha noqon sida hebel, wuxuu kici jiray "Tukan jiray" habeenkii, dabadeedna wuu iska daayey salaatulleylki)

Taas macnaheedu waa in isku adkaynta uu isku adkeeyay kicista habeenka ay keentay in uu sii wadi kari waayey cibaadadii iyo salaaddii habeenka. Daal iyo tamardarnaan ku timid awgood.

Sidaa daraadeed in la qaato dhexdhexaadnimada waxaa ku jirta  in lasii wado, la ilaaliyo lana joogteeyo shaqada iyo cibaadada.

Sidoo kale wuxuu rasuulku ahaa mid reeba oo joojiya in wax la isku adkeeyo.

فعن ابن مسعود  عن النبي  قال: «هَلَكَ الْمُتَنَطِّعُونَ» قَالَهَا ثَلَاثًا»(2)

Waxa Ibnu-Mascuud rasuulka kasoo wariyey in uu yiri:

(Ha halaagsamaan kuwa ad-adkeeya) sidaas ayuu saddex jeer yiri rasuulku. Kuwa ad-adkeeya waa kuwa meel aan adayg ku jirin ad-adkeeya.

«إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ، وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلَّا غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا، وَأَبْشِرُوا، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ»(3)

Sidoo kale waxa Abu-Hurayra laga soo wariyay in uu nebigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) uu  yiri:

(Diintu way fududahay.Qofna diinta iskuma adkeeyo haddii uu isku adkeeyana way ka awood badataa. Toosnaada oo dhadhawaysta oo bushaaraysta oo isku kaalmeeya gelinka hore, gelinka danbe ba iyo habeenka intiisa danbe)

Macnaha waxaa laga wadaa ku kaalmaysta daacada Alle gudashada cibaadada aad gudanaysaan waqtiga firfircoonaanta, aroorta waxaa laga wadaa galinka hore ee dharaarta waqtiga dambe waxaa laga wadaa galinka dambe ee dharaarta duljadana waxaa laga waa habeenka aakhirkiisa.

Haddii uu rasuulku ogaado qof wax isku adkeeya ama se ku talaxtagay waxaasi cibaado ba ha ahaadeen e waxa uu ahaa mid ka reeba. waxaanu u caddayn jiray in diinta ilaahay agtiisa loogu jecelyahay ay tahay waxa qofku joogteeyo.

فعَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها، أَنَّ النَّبِيَّ صلى عليه وسلم دَخَلَ عَلَيْهَا وَعِنْدَهَا امْرَأَةٌ، قَالَ: «مَنْ هَذِهِ؟» قَالَتْ: فُلاَنَةُ، تَذْكُرُ مِنْ صَلاَتِهَا، قَالَ: «مَهْ، عَلَيْكُمْ بِمَا تُطِيقُونَ، فَوَاللَّهِ لاَ يَمَلُّ اللَّهُ حَتَّى تَمَلُّوا» وَكَانَ أَحَبَّ الدِّينِ إِلَيْهِ مَادَامَ عَلَيْهِ صَاحِبُهُ(1)

 

Waxa Caa'isha (ilaahay haka raalli aahaadee) laga soo wariyay:

(In Nebigu "naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee" u soo galay iyada oo ay haweenay la joogto. Dabadeedna uu ku yidhi " Waa tuma tanni?". "Waa heblaayo" ayay tiri Caa'isha. kaddib waxa ay uga sheekaysay salaadeeda.

Rasuulku isaga oo la yaaban ayuu yidhi "Ka joogso!Waxaad samaysaan wixii aad awoodaan. Ilaahay baan ku dhaartee,daali maayo ilaahay, ilaa aad idinku ka daashaan" Diinta ilaahay xagiisa loogu jecelyahayna waa waxa qofku joogteeyo)

وعَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه، قَالَ: دَخَلَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم فَإِذَا حَبْلٌ مَمْدُودٌ بَيْنَ السَّارِيَتَيْنِ، فَقَالَ: «مَا هَذَا الحَبْلُ؟» قَالُوا: هَذَا حَبْلٌ لِزَيْنَبَ فَإِذَا فَتَرَتْ تَعَلَّقَتْ، فَقَالَ النَّبِيُّ صلى عليه وسلم: «لاَ حُلُّوهُ لِيُصَلِّ أَحَدُكُمْ نَشَاطَهُ، فَإِذَا فَتَرَ فَلْيَقْعُدْ»(2)

Anas Ibnu-Maalikna waxa laga soo wariyey in uu yiri:

(Nebiga ayaa soo galay.Wuxuu arkay xadhig laba tiir ku dhex xiran. Dabadeedna wuxuu waydiiyay (( Waa maxay xariganni? )). Waxay ugu warceliyeen "Waa xarigii Saynab.Haddii ay daasho ayay qabsataa". Nebiga ayaa markaas yidhi " Maya. Fura  xariga. Sidani maya qofkiina ha tukado marka uu firfircoon yahay. Haddii uu daalana ha fariisto")



(1)  Al-baqara, 143

(2)  Al-caadiyaad, 5

(3)  al-maa’ida ,89

(4)  al-qalam, 28

(5) Al-baqara, 238

(1)  waxaa soo saaray Bukhaari (4111) iyo Muslim (627)

(2) waxaa soo saaray Bukhaari (7288) iyo Muslim (1337)

(1) waxaa soo saaray Bukhaari (1152) iyo Muslim (1159)

 

(2) waxaa soo saaray Muslim (2670)

(3) waxaa soo saaray Bukhaari (39)

(1)  waxaa soo saaray bukhaari (43)  iyo  Muslim (783)

(2)  waxaa soo saaray bukhaari (1150)  iyo  Muslim (784)

 

Read 313 times