Print this page
Friday, 18 March 2016 04:21 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Islaamku waa Diin ku dhisan Dood Hufan

Rate this item
(0 votes)

Diinta islaamku waa diin ku dhisan dood-wadaag,wada noolaanshahana ku salaysay  dood hufan.

Ilaahay sareeye waxa uu yidhi :

)ادْعُ إِلَىسَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ (النحل 125.

“ ugu baaq nebi maxamedaw jidka rabigaa qaab xikmad iyo waano fiicani ka muuqdo ,dood fiicana la wadaag ,rabigaa isagaa og cida ka lunsan dariiqiisa, isagaana og cida ku taagan jidkiisee “

Waxa kale oo ilaahay sareeye yidhi :

}وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ وَقُولُوا آمَنَّا بِالَّذِي أُنْزِلَ إِلَيْنَا وَأُنْزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَهُنَا وَإِلَهُكُمْ وَاحِدٌ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ} [العنكبوت: 46 .

“ hakula doodina ehlu kitaabka Aragtida fiican mooyee ,marka laga reebo kuwa dulmiga falay ee iyaga ka tirsan ,waxaad tidhaahdaan waxaanu rumaynay diinta nalagusoo dejiyay iyo ta laydinkusoo dejiyayba ilaahayaga iyo ilaahiinu waa mid isaga ayaanu u hogaansanahay “cankabuut 46.

Waxa ugu muhiimsan shuruuda dooda fiican ,xoriyatul qawlka in la dhawro ,jawi furfuran ,shar iyo xumaan inaan laysu qarin ,in loo sinaado gogosha dooda iyo dhamaan agabka lagusoo gudbinayo dooda .

Dooda fiicani waata ujeedo cad leh ,ee aan ku dhisnayn niyad jabin iyo dadka arimahooda hoose in lagu qod-qodo,marka muslimiintu ay ka qayb qaadanayaana waa in laga dul qaado dhamaan cadaadis kasta oo wax u dhimaya dooda ,caqli gal maaha muslimiin dhib ku jira sida falastiin iyo ciraaq in layidhaa dooda wadaaga .

Wada noolaanshuhu waxa uu ka bilaabmaa qiris iyo ictiraaf in loo fidiyo dadka kale,iyadoo lagu aqbalayo sida ay yihiin ,arintaasina waxba u dhimi mayso dooda lays dhaafsanayo ,rasuulku s.c.w waxa uu la doodi jiray dhamaan ummaddaha madax ilaa mijo ,waxana uu calaamad uga dhigay dooda fiican xikmad iyo waano toosan.

Qaabka fiican ee dooda loo dhigay waxa uu noolaynayaa wada noolaanshaha fiican ee dadku raadinayaan,hadii la waayana waxa lagu jirayaa is khilaaf iyo is maandhaaf.

Dhiiri gelinta dooda iyo aqoonsiga dadka kale waa calaamad ka mida calaamadaha ilbaxnimada islaamka ,waxana haboon dib in loo nooleeyo doodii noocaa ahayd,waxayna ahayd sabab caawisay shucuub iyo ummaddo badani islaamk anay ku biiraan.

Islaamku waxa uu dhawray dadkii laga tirada badnaa diin ahaan iyo qabiil ahaanba ee ku dhaqnaa dawlada islaamka iyo kuwa carbtaba ,taasina waxay muujinaysaa ixtiraamka iyo dhawrista la xaq dhawray dadka kale arimahooda gaarka ah iyo jiritaankoodaba.

Hab-dhaqanka fiican waxa loo muujiyay dadka raba nolol fiican inay la wadaagaan muslimiinta ,laakiin kuwa dulmiga falay ee aan ka laaban gabood falka arinkale ayaa lagula dhaqmay waxana ilaahay sareeye yidhi :

}وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ وَقُولُوا آمَنَّا بِالَّذِي أُنْزِلَ إِلَيْنَا وَأُنْزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَهُنَا وَإِلَهُكُمْ وَاحِدٌ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ} [العنكبوت: 46 .

“ hakula doodina ehlu kitaabka Aragtida fiican mooyee ,marka laga reebo kuwa dulmiga falay ee iyaga ka tirsan ,waxaad tidhaahdaan waxaanu rumaynay diinta nalagusoo dejiyay iyo ta laydinkusoo dejiyayba ilaahayaga iyo ilaahiinuba waa mid isaga ayaanu u hogaansanahay “cankabuut 46.

Taariikhda islaamkeenu waxay marag wayn ka tahay madasha suurta gelisay in la wada noolaado iyadoo lakala duwan yahay ,waxana islaamku horseed ka ahaa qadiyadaha muga iyo miisaanka ku leh nolosha ,xooga kelmada islaamka iyo dabacsanaanta ku dheehnayd waxay xalisay murano iyadoo qofka aan muslimka ahayni ka helayay kelmada islaamka miisaan suurta gelinayay xoriyadiisa iyo waxa maankiisu jecelyahay.

Waxa mudan in la tilmaamo badanka doodaha dhex mara Diimahu waxay ku kooban yihiin hoolalka lagu dhex doodo umana faafaan sidii la rabay xili dadku ay ku dhex jiraan is maandhaaf siyaasadeed oo qaata muuqaalo diimeed waxana raad xun ay ku yeelataa dood hufani inay ka hana qaado dadkaa kala diimaha duwan.

Read 419 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:48