Friday, 18 March 2016 04:16 Written by
Published in Fahamka Muwaadinimada

Fariinta sunnaha nabiga ee wada noolaanshaha

Rate this item
(0 votes)

Macnaha muwaaddinimadu waxay ahayd mid ku sugan maskaxda muslimiinta ,waxana iftiimiyay wada-noolaanshahaas muslimiinta iyo dadka kale u dhaxaysay  sharcinimadeeda daliilo ku sugan sunnaha nebiga waxana ugu muuq dheer :

1.diidmada la diiday dulmi iyo dhib in loo gaysto dadka maganta u ah muslimiinta ,nebigana nabad iyo xariisi korkiisa ha ahaatee waxa ka sugnaaday inuu yidhi :

  ((من قتل معاهداً لم يرح رائحة الجنة، وإن ريحها يوجد من مسيرة أربعين عاماً))  اخرجه البخاري (3166).

  “ qofka dila qof muslimiinta magan u ah waxa ka xaaraan ah carafka janada ,waxana carafka janada laga uriyaa meel u jirta afartan sanadood” bukhaari 3166

وفي رواية (( ألا من ظلم معاهدا ، أو انتقصه ، أو كلفه فوق طاقته ، أو أخذ منه شيئا بغير طيب نفس ، فأنا حجيجه يوم القيامة  ))سنن النسائي( 4750)

Rasuulku waxa kale oo uu yidhi (qofka dulmiya qof muslimiintu magan gelisay,ama nusqaamiya xaqiisa, ama ku kalifa wax ka baxsan awoodiisa ,ama ka qaada wax isagu  aanu raali ka ahayn,waxaan la doodi qiyaamaha )nisaa,i 4750.

 2.xadiiska anas warinayo macnihiisuna yahay :

عن أنس أن غلاما من اليهود كان مرض فأتاه النبي صلى الله عليه وسلم يعوده فقعد عند رأسه فقال له أسلم فنظر إلى أبيه وهو عند رأسه فقال له أبوه أطع أبا القاسم فأسلم فقام النبي صلى الله عليه وسلم وهو يقول الحمد لله الذي أنقذه بي من النار(اخرجه البخاري 1356.

Anas waxa laga wariyay inuu xanuunsaday wiil yahuudiya rasuulkuna uu  booqday ,waxana uu fadhiistay madaxiisa,waxana uu ku yidhi islaam,yarki waxa uu eegay aabihii oo dul taagan ,kadibna aabihii waxa uu yidhi adeec abal qaasim ,yarkii waa islaamay, rasuulkuna waxa uu yidhi ilaahii sababtayda kaga badbaadiyay naarta ayaa mahad iska leh.bukhaari 1356.

Culimada islaamku waxay xadiiskan kala dhex baxeen in la siyaaran karo lana booqan karo dadka xanuunsanaya ee diimaha kale haysta si loogu ban dhigo islaamka , hadii laga qabo rajo inay islaamaan,hadii rajadaasi aanay jirna ma banaana.

Waxa ibnu xajar yidhi waxa ka muuqda xadiiska siyaaradu waxay ku xidhantahay ujeedada laga leeyahay,waxa laga yaabaa siyaarada la siyaarto maslaxad kale inay ku jirto.

3.had-yadaha dadka aan muslimiinta ahayn waa la qaadan karaa waana sharci waxana daliil u ah xadiiskan.

 

عن أبي هريرة قا  ) لما فتحت خيبر أهدي إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم شاة فيها سم( اخرجه البخاري )3169)

Abuu hurayra waxa uu yidhi (markii la furtay magaalada khaybar rasuulka waxa loosoo hadyadeeyay lax la sumeeyay) bukhaari 3169.

 Had-yada rasuulka s.c.w waxa u keentay gabadh yahuuda waanku ka aqbalay .

Waxa kale oo loo daliishan karaa aqbalida had-yada qisadii Asma bintu abii bakar .

عَنْ أَسْمَاءَ بِنْتِ أَبِي بَكْرٍ -رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا- قَالَتْ: قَدِمَتْ عَلَيَّ أُمِّي وَهِيَ مُشْرِكَةٌ، فِي عَهْدِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم  فَاسْتَفْتَيْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم  ، قُلْتُ:إِنَّ أُمِّي قَدِمَتْ، وَهِيَ رَاغِبَةٌ أَفَأَصِلُ أُمِّي؟قَالَ  « نَعَمْ صِلِي أُمَّكِ ».اخرجه البخاري (2620) ومسلم (1003)   

Asmaha bintu abii bakar ilaahay raali haka ahaadee waxay tidhi ,hooyaday oo mushrikada ayaa ii timi xiligii rasuulka nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxanan rasuulka ku idhi :rasuulkii ilaahayaw waxa ii timi hooyaday iyadoo I jecel ee ma xidhiidhiyaa ,waxa uu yidhi rasuulku “haaye xidhiidhi hooyadaa “bukhaari 2620,muslim 1003.

 4. dadka aan muslimiinta ahayn waxa banaan in wax laga daynsado waxana daliil u ah xadiiskan :

  عائشة رضي الله عنها قالت) توفي رسول الله صلى الله عليه وسلم ودرعه مرهونة عند يهودي بثلاثين صاعا من شعير(اخرجه البخاري  (2916) ومسلم (1603) .

Caa’isha ilaahay raali ka haka noqdee waxay tidhi (rasuulka ilaahay  nabad iyo xariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu geeriyooday isagoo labiskiisii dagaalku ugu rahman nin yahuudiya sodan galaan oo qamandiya )bukhaari 2916.muslim 1603.

 5. waxa kale oo lays faray sharfida janaasada muslimiinta iyo ta dadka kalaba .waxana tilmaamay xadiiskan jaabir.

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال مر بنا جنازة فقام لها النبي صلى الله عليه وسلم وقمنا به فقلنا يا رسول الله إنها جنازة يهودي قال إذا رأيتم الجنازة فقوموا.(اخرجه البخاري (1311)ومسلم (960).

Jaabir binu cabdilaahi ilaahay raali haka noqdee waxa uu yidhi waxa nalasoo hor mariyay janaaso nebiguna s.c.w wuu isu taagay  anakuna waanu istaagnay , waxaanu ku nidhi rasuulkii ilaahayaw  tani waa jinaaso yahuudi ,waxa uu yidhi marka aad aragtaan jinaaso istaaga “bukhaari 1311.muslim(960).

 

Cidla isku xidhka iyo taageerada qaldan oo islaamku diiday

 Islaamku wuu diiday taageerada qaldan,cidla isku xidhka ,waxaanu ka dhigay aafooyinka jaahiliyada ,wana la mida faanka ku salaysan aabayaasha .

Dr yusuf al qardaawi xawa uu yidhi ( Aragtida ku dhisan cidhiidhiga iyo xag-jirnimada ee ka shidaal qaadanaysa daahirka waxay ku qorantaha kutub la qoray xili aan xiligeena ahayn ,loona qoray mujtamac aan keena ahayn,lana qoray duruuf aan teena oo kale ahayn, inaka inama qabanayso ,waxa uu yidhi waxay sheegeen culimadu ,fatwadu inay isla bedesho wakhtiga iyo goobta ,dhaqanka iyo xaalada lagu jiro ,maantana nolosheena wax kastaa way kaga gadisan tahay xiligii fuqahadaa yo culimadaasu fatwooyinka bixiyeen ).waa qayb ka mida hadal uu ka jeediyay kanaalka iqira,8-9/10/2005.

Xadiiska abuu hurayra warinayo macnihiisu waxa uu noqonayaa sidan:

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله، صلى الله عليه وسلم، قال : " لا تبدؤوا اليهود ولا النصارى بالسلام فإذا لقيتم أحدهم في طريق فاضطروه إلى أضيقهاخرجه مسلم (2167)

Abuu horayra waxa laga wariyay rasuulku inuu yidhi “ haku bilaabina yuhuuda iyo nasaarada salaanta ,marka aad la kulantaana ku cidhiidhya dariiqa “muslim(2167)

Arintan xadiisku ka waramay waxa weeyi marka colaad iyo dagaal ka dhex jiro muslimiinta iyo gaalada ,mana aha maalmaha nabadgelyadu ka dhex jirto .

Saxaabada qayb ka midi waxay salaami jireen qof kasta oo ay la kulmaan iyagoo fulinayay xadiiskii tilmaamayay fidinta salaanta .

Caqli gal miyay tahay qofka muslimka ah in loo baneeyo guursiga gabadh ehlu kitaaba oo hadana loo diido  inuu salaamo ? ilmaha miyaa loo diidayaa inuu salaamo hooyadii ,abtigii ,habar yartii ,ayaydii ? isagoo ilaahay amray riximka in la xidhiidhiyo . waxa arintaa inagaga filan hadalkan ilaahay yidhi sareeye :

(لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ( الممتحن 8.

“ilaahay idiin diidi mayo kuwa aan idinkula dagaalamin diinta guryahiinana aan idinka saarin inaad u samo fashaan caddaaladna u saymaysaan,ilaahay  waxa uu jecelyahay kuwa caddaalada fala”mumtaxin 8.

 Qaar ka mida culimada wax wacdiya ee khud-badaha akhriya umay cadaan macnayaashani ,wali waxay ku noolyihiin suqduud cidhidhiya, waxana arintaa sabab u ah faham engegan oo ay ka qaateen goobaha waxbarashada ee u jan-jeedha xag-jirnimada ,waxay gaalaysiiyaan qaybo badan oo muslimiinta ka mida ,waxayna colaystaan dad badan oo aan islaamka haysan,waxay haystaan daliilada is shabaha (mutashaabihaad )umana celiyaan daliilada sugan (muxkam )waxayna daliilada dhigeen meel aan meeshoodii ahayn,mana isku dayaan inay ku fahmaan daliilada duruufihii iyo sababihii ku xeeraa,waxay xiliyada qaarna ku dhegeen daahirka daliilka iyagoo hilmaamay ujeedooyinkii guud ee shareecadu u timi

Islaamku dhidibada ayuu u taagay tiirarka tilmaamaya hab-dhaqanka ka dhaxaynaya muslimiinta iyo dadka kale ee nabad gelyada ogol ,waxaanu amray cadaalad iyo wada-noolaansho in lala suubiyo ,xuquuqdooda oo dhamaystirana in la siiyo ,maxaa yeelay waa muwaadiniin  xuquuq iyo waajibaadba ku leh ,waajibna ay tahay in lagu ixtiraamo.

Kuwa dadka moodsiinaya muslimka inay waajib ku tahay inuu u cadhoodo dadka aan muslimiinta ahayn way khaldan yihiin ,islaamkuna waxa uu xarimay jacaylka dadka ilaahay la coloobay oo keliya ,wax dhibana kuma jirto jacaylka qofka muslimka aan ahayn laakiin qaraabo ah ama jaara , ama saaxiiba ee colaad aan u hayn muslimiinta ,waxana arintaa tilmaamaya islaamku waxaabu ogolaaday xaaska qofka muslimka ah inay noqoto ehlu kitaab aan muslim ahayn.

Islaamku kuma kaaftoomin faris uu faray in cadaalad iyo wanaag loo sameeyo dadka aan muslimiinta ahayn ,xuquuqdoodana la ilaaliyo balse arintaa waxa uu ku suntay dhaqankii rasuulka s.c.w iyo heshiisyadii rasuulku la galay gaalada ee ay fuliyeena khulafadiisu, muslimiintuna taariikhdooda ku fuliyeen markay la wadaageen dadka kale nolol.

Islaamku waxa uu u yimi si uu ula dagaalamo dhamaan muuqaalada ku dhisan taageerada dhaga la,aanta ah iyo is-qoqobka ,waxayna ka muuqanaysaa tacaaliimta islaamka ,qofkasta oo banii-aadami waa mid sharaf badan,ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

(وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا) الاسراء 70.

“xaqiiqdu waxay tahay waanu sharafnay ilma aadam,waxaanu u sakhiray marista barriga iyo baddaba ,waxaanu ku arsaaqnay wax fiican,waxaanu ka koryeelay khalqi badan oo aanu abuuray”israa 70.

 Waxa ilaahay sareeye yidhi :

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ( الحجرات 13.

“dadyahaw waxaanu idinka abuuray lab iyo dhadig,waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabiilo si aad isugu garataan ,kiina ugu sharafta badan ilaahay agtiisa waa kiina ugu cabsida badan isaga, ilaahay waaka cilmiga badan ee xaalad kastana khabiirka ku ah”

 Qof carabi kama fadli badna qof cajama ,qof cajamina kama fadli badna qof caraba,qof casina qof madaw,qof madoobina qof cas,cabsida ilaahay ayaa lagu kala fadli badan yahay sida rasuulkeenu sheegay .Axmed ayaa soo saaray (23489).

Ilaahayna waxa uu ina amray cadaalada iyo xaq-soorista waxana uu yidhi :

)إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالإِحْسَانِ وَإِيتَاء ذِي الْقُرْبَى وَيَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاء وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ(النحل90.

“ilaahay waxa uu idin amrayaa caddaalada iyo samo falka ,dadka xigtada ah xaqooda inaad gudaan, waxa uu idiin diidayaa xumaanta, iyo xumaha,xad-gudubka ,waxa ilaahay idinku waaninayaa xuquuqdaa inaad xasuusnaataan”naxli 90.

Waxa kale oo ilaahay yidhi :

 

)إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ ( النساء 58.

“ilaahay waxa uu idin farayaa inaad amaanada u celisaan dadkii lahaa ,dadka markaad kala xukumaysaana ku kala xukuntaan caddaalad  )nisaa58.

Iskaashi kasta oo ku dhisan  colaad iyo danbi waa xaaraan ilaahayna sareeye waxa uu yidhi.

(وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَاب)ِ المائدة 2.

“isu kaalmaysta wanaaga iyo ilaah ka cabsiga ,haysu kaalmaysanina denbiga iyo colaada ,ilaahayna ka cabsada,ilaahay ciqaabtiisu waa mid adag”maa’ida 2.

Islaamku waxa uu muslimiinta faray inay xaqa isugu hiiliyaan ,dulmigana iska qabtaan ,waxana ilaahay sareeye yidhi :

(وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ) التوبة 71.

”raga muuminiinta ah iyo dumarka muuminaadka ah qaybiba qaybta kale waxay u tahay xigto,waxay is faraan wanaaga waxayna iska reebaan xumaanta,waxay oogaan salaada ,waxay bixiyaan sakada ,waxay adeecaan ilaahay iyo rasuulkiisa ,kuwa sidaa u dhaqma ilaahay ayaa u  naxariisanaya ,ilaahay waa sharaf badan yahay waana xikmad badanyahay”tawba 71

 

 

 

Nebiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi :

  (انصر أخاك ظالما أو مظلوما . فقال رجل : يا رسول الله ، أنصره إذا كان مظلوما ، أفرأيت إذا كان ظالما كيف أنصره ؟ قال : تحجزه ، أو تمنعه ، من الظلم فإن ذلك نصره) اخرجه البخاري (6952).

 ( walaalkaa u gargaar hadii uu wax dulmayo iyo hadii la dulmayaba ,nin ayaa yidhi rasuulkii ilaahayaw waan u gargaari hadii la dulmayo, balse isagu hadii uu wax dulmayo sidaan ugu gargaaraa?, waxa uu yidhi rasuulku ka jooji dulmiga , u diid dulmiga inuu sameeyo, ka joojintaa dulmiga aad ka joojisay ayaad ugu gargaaraysaa “bukhaari(6952)

Waxa u asala kala saraynta dadka iyo kala fiicnaanshahooda cabsida ilaahay iyo camalka fiican ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

 

إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ) الحجرات 13.)

“waxa idiinku sharaf badan ilaahay agtiisa, qofka ugu cabsida badan ilaahay “ xujuraad 13

Nebiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi :

 ( لينتهين أقوام يفتخرون بآبائهم الذين ماتوا إنما هم فحم جهنم أو ليكونن أهون على الله من الجعل الذي يدهده الخراء بأنفه إن الله قد أذهب عنكم عبية الجاهلية وفخرها بالآباء إنما هو مؤمن تقي وفاجر شقي الناس كلهم بنو آدم وآدم خلق من تراب)اخرجه ابو داود(5116) والترمدي(3955).

 ( dad hadaanay iska dayn aabayaashooda dhintay ee  ay ku faanayaan ee noqday dhuxusha jahanama, waxa ilaahay ka dulaysiin doonaa xaar-walwaalka sankiisa ku riixa saraxada, ilaahay waa idinka kaxeeyay jaahiliyadii iyo aabayaashii lagu faanaayay,dadku waxay u qaybsamaan qof ilaahay ka cabsada oo wanaagsan iyo q danbiile ah oo xun, dadka oo dhami waa ilma aadam , aadamna waxa laga abuuray camuud”abuu daa’uud(5116)tarmadi(3955).

Islaamku waxa uu diiday dulmiga iyo xad-gudubka ,waxana rasuulku s.c.w yidhi :

اتَّقُوا الظُّلْمَ ، فَإِنَّ الظُّلْمَ ظُلُمَاتٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ) البخاري (2578).)

“dulmiga ka fogaada , maxaa yeelay dulmigu waxa uu ka mid yahay mugdiyada maalinka qiyaamaha ”bukhaari (2578)

 Ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

)ياأيها الذين آمنوا كونوا قوامين بالقسط شهداء لله ولو على أنفسكم أو الوالدين والأقربين إن يكن غنيا أو فقيرا فالله أولى بهما فلا تتبعوا الهوى أن تعدلوا وإن تلووا أو تعرضوا فإن الله كان بما تعملون خبيرا(المائدة 8.

“kuwa ilaahay rumeeyayaw waxaad ahaataan kuwo isku taaga cadaalada, markhaatina u ah ilaahay, kolay ku tahay naftiina ama labadiina waalid ama qaraabadiina,qofkaad u cadaalad falaysaan waa isku mid qani iyo faqiir kuu yahay labadaba ilaahay ayaa ka mudan ,ha raacina hawada ,hadii aad cadaalad fashaan ama ka leexataan ama ka jeesataan ilaahay waxa uu ahaaday mid og waxaad samaynaysaan khabiirna ku ah “maa’ida 8.

 Dadka waxa loogu baaqay xaqa inay aqbalaan,waxana rasuulku s.c.w yidhi :

الكبـــــــر بطر الحق وغمط النــــــــاس)اخرجه المسلم (91))

“kibirku waa xaqa oo laga san taago iyo dadka oo la xaqiro “ muslim(91)

 Islaamku waxa uu la dagaalamay dadka in la buun-buuniyo iyo in la siiyo  darajo ka saraysa darajadooda ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

(وَمَا مُحَمَّدٌ إِلاَّ رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ أَفَإِيْن مَاتَ أَوْ قُتِلَ انْقَلَبْتُمْ عَلَى أَعْقَابِكُمْ وَمَنْ يَنْقَلِبْ عَلَى عَقِبَيْهِ فَلَنْ يَضُرَّ اللَّهَ شَيْئاً وَسَيَجْزِي اللَّهُ الشَّاكِرِينَ)آل عمران 144.

“ nebi maxamed  waxkale maaha ee waa rasuul hortii rusuli tagtay ,hadii uu dhinto ama la dilo ma waxaad ka laabanaysaan cidh-bihiina ,cida ka laabata cidh-baheeda ilaahay waxba yeeli mayso ,ilaahayna waa uu abaal marin kuwa  u shukriya “aala cimraan 144.

Nebigu nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi :

 ( إياكم و الغلو في الدين , فإنما هلك من كان قبلكم بالغلو في الدين)

  (iska ilaaliya xag-jirnimada diinta ,maxaa yeelay waxa halaagay kuwii idinka horeeyay xag-jirnimadii ay ku sameeyeen diinta )”xag-jirnimadu waa diinta oo laysku adkeeyo lana dhaafiyo intii lays faray .

Xag-jirnimada dadkii inaga horeeyay suubiyeen waxa ka mid ahayd sidan aayadu ka warantay :

 

)اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّه( التوبة31.

“waxay ka dhigteen culimadoodii iyo kuwoodii cibaadada badnaa rabiyo ilaahay ka sokeeya )tawba 31.

Islaamku waa diin ah raxmad iyo cafis ku dhisan ,waxa uu muslimiintana ugu baaqay labadaa arimood inay kula dhaqmaan dadka kasoo hor-jeeda ,waxana ilaahay sareeye yidhi :

(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ) الانبياء107.

“ waxkale kuumaanu dirin nebi maxamadaw caalamka inaad raxmad u noqoto mooyee “ anbiyaa 107.

Ilaahay sareeye waxa uu yidhi :

 

                       البقرة 256.{لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَي  }        

“diinta laysku khasbi maayo,xaqii waa ka cadaaday baadalkii “al baqra 256.

Nin taariikh yahana oo reer galbeeda oo lagu magacaabo (Arnoolad) ayaa waxa uu yidhi :

“qabiilada masiixiyiinta ahaa ee islaamka qaatay waxay sidaa ku sameeyeen doorashadooda xorta ah ,carabta masiixiyiinta ah ee maanta ku dhex nool shucuubta muslimkana waxay tilmaamaysaa jawiga tasaamaxa ku dhisan ee halkaa ka jira” .

Waxa kale oo ninka lagu magacaabo (Joostaaf labuun ) yidhi :

“Guulaha carabtu gaadheen may ka  dhigin indha sarcaad horseeday xad-gudub ka baxsan caadada ,kumanay tuman dadka ay ka guulaysteen,kumanay khasbin diintooda cusub   iyagoo adeegsanay xoog,hadii shucuubta caalamku dareemi lahaayeen diintooda inay ku fidinayaan xoog waxay ku samayn lahaayeen kacdoon umanay suura gasheen in loo hogaansamo,dhamaan muslimiintu dalalka ay furteen sida shaam,masar,isbaaniya, waxay ula dhaqmeen si wanaagsan,waxay faraha uga qaadeen maamuladoodii iyo xoriyadii caqiidadoodii, waxayna ka qaadeen Jisyo yar aan u dhigmin cashuurihii ay bixin jireen dhexdooda ,shucuubta aduunkana hore uma soo marin cid guulaysata oo suubisa wanaaga intaa leeg ,lamana arag diin dadka sidaa usoo dhawaysa “majalada bayaan tirsankiisa 153.

Read 318 times Last modified on Friday, 18 March 2016 04:46