Sudden%20lump%20bararka%20naaska%20kediska
Mararka qaar dumarka waxay isku arkaan arrin lama filaan ah taas oo ah inuu bararo naaska si lama filaan ah iyadoon jirin wax jirro ah, waxaa laga yaabaa inay habeenkii gabadhu seexato iyadoo caadi ah oo aan waxba ka sheeganaynin subaxdiina ay soo kacdo isagoo naaskeeda bararsan yahay, taas waxaa keeni kara dhowr waxyaalood tusaale ahaan inuu wax qaniino sida quraanyo iwm. ah taas oo sababi kara xasaasiyad xagga naaska oo u keeni karta barar, ama haweeneyda inay ilmo nuujinayso oo naaskii caano badan ka soo buuxsameen marka cunto cunno caanaha dumarka badisa, ama ninkeeda inuu si xoog u qabtay marka galmada socoto oo iyaduna raaxo awgeed iysan markaas dareemin marka ay huradda ka soo kacday ay dareentay.