Tooth%20pain

Ilkaha waxay ka mid yihiin waxyaalaha Ilaahay nagu mannaystay oo aan ku qabano howlo fara badan iyadoo ay kuu sii dheer tahay quruxda afka ay siinayaa, taas waxaa dareemi kara qofka duqoobay oo afkiisa isku soo dumay marka ilkaha dhibaatooyin badan ayaa ku timaada waxaa ugu muhimsan xanuun joogto ah iyo moddbaad oo bubur u keenaya, marka maxaa keenaya, waxa ugu daran ilaha xanuunka u keena waa inuu qofka shaah kulul ama cunta kulul afka galiya isagoo wax qabow ka dabda geenaya, tusaale waqti qabow jira ayaad ka soo bixinaysaa macmacaan talaajada markaas ayaad ku cabbaysaa shaah ama kaxwo kulul, buskud ama xalwo ama keek, sidoo kale marka aad cunto wax macmacaan ka samaysan waxaa lagaa rabaa inaad ilkaha isla markii nadiifiso haddii kale gowsaha ayuu kaa galinayaa bumbuli waxay kaa noqonayaan madow gows xanuun ayaa kugu imaanaya.

waxa ugu fiican oo aad ilkahaaga ku ilaaliso waa cadayga mar kasta waa inaad iska nadiifisaa ilkaha.