Waa la wada Deganyahay waana la Kala Duwanyahay Danta Guudna lama wada Doono Danaystahaa badan Dusha korena ka muuqda Durbaankana Garaacoo Daacadnimo sheegta Dhabtuna waa Dumi aan Dawladnimo Dariiqeedii haynin da,ayartana Dugsiyo aan u diraynin Duqowdana aan Dabiibayn Dantiisu waa Diyaarad raac iyo ka Deg Dal kale iyo Damdam aan Darari ka muuqan iyo Dawo la,aan joogta ah. Yuu Dalku u Dabranyahay ? Yaa Dowgan ka tuuray ? Yaa Duugaya Taariikhdiisa ? Yaa horseed ka ahaa Dulayntiisa iyo Darxumadan ku dahaadhan? Dagaal ooge iyo Durbaan u tume soo looma badan ? Dilaaliin sow lama daba socdo diracyana looguma yeero? Maxaa diiday in la tilmaamo tuuga oo la takooro? Dal ninkii lehbaa dhisa Ee Dile yaan Darajo laga sugin Dadkuna ha is aaminaan .