Way garanayaan mana garqaataan, go,aan maqaataan oo isma garabsadaan, gurbaankay isla garaacaan oo waa ay kala galbadaan, geesiyaan nahay ayay dhahaan gayigoodana ma difaacaan, gool sax ah ma dhaliyaan oo waa iska ganbiyaan guulkastoo usoo hoyata, guul guulkoodu ma dhamaadoo galaba meel ayaa loo caraabiyaa, gacmaha isma qabsadaanoo ninba gooni ayuu gar isu siiyaa, garashadoodu waa xageen ka gurtaa maal iyo manfac aduun, goobkasta oo dunida ahna waa ka guryo gateen, goobtoodiina waa gelgelin iyo gaajo joogta ah, geeska afrikana in ay ka guuraan goor uun ayaa loo go,aamiyay, iskamana gartaanoo gargaar aduun- wayne ayay ku gam,aan, kii gowracayna way garabsiiyaan, garyaqaankoodana gabal dhacay ayay ka dhigaan iyo mid aan garasho lahayn, googaalaysi ayaa laga dhigtay yaa garan godka bahalo galeenka iyo garasho laawayaal. goortii la yiraah haday garaadsadeenba midbaa gun noqdoo gantaalo adeegsada gelgelina ka yeela halkii gama,a laga sugayay .
by

Mohamud Mohamed