Somali
Soomaali danta laga leeyahay ma yara, laakin dadka soomaliyeed meel gaaban ayay wax ka arkayaan, maanta ma jirto dowlad carab ama afrika ah o xor ah, wax kasta ka dhacaya gaalada ayaa lug ku leh, sheekada sida loo malaynayo ma aha, soomaali waxaa la arki doonaa qof kirishtaan ah inuu madaxweyne ka noqdo. waxyaalaha ka jira oo dhan kor baa laga hogaaminayaa, marka waxaan leenahay Ilaahay ha qabto dadka umadda soomaaliyeed geliyay dhibkan soo socday muddo badan haddana sii socda, sheekadu ma aha caadifad, waagii maxkamadaha waa la og yahay wixii ka dambeeyay, filin dheer baa socda Ilaah keliya ayaana og meesha uu ku dhamaanayo, si kastaba khayr badan ayaan Ilaahay ka rajaynaynaa, ummadda soomaaliyeed oo muslinka ah inuu ka badbaadiyo dhagarta loo maleegayo. madaxweynaha cusub oo la doortayna Ilaahay ha ka dhigo midka umadda soomaaliyeed wax u qaban lahaa.