Fitanka aakhir zamaanka waxay ka mi tahay waxyaalaha aad la inooga digay nabigeena naxariis iyo nabadgelyo Ilaahay korkiisa ha yeelee wax badan ayuu nooga sheegay fitnooyinka imaanaya, hadda waan u jeednaa sida ay u badan yihiin fitnooyinkaas, maanta qofka wuxuu iska noqonayaa galabtii gaal isagoo muslin aroortii ahaa, aduunka ayaa la dabada galayaa qofka wuu iska soo baxaa dad buu dilayaa ma oga sababta uu u dialyo, maanta waan u jeednaa qof ayaa suun qarxaya iska soo xiranaya wuxuu la imaanayaa meel dad badan jooga shaqadiisa ma aha meesha ay tahay waxaa u muhimsan keliya inuu dad badan dilo, ismiidaaminta si fiican ayay u soo badatay waligeeda lama sheegin sida hadda ay tahay, waxaa dhacdo inuu kaligiisa qarxo, xitaa  qaar ayaa isku qarxiya masaajidda maalmihii dhoweyd waxaa isku qarxiyay masjidka rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ilaahay ha ka dhigee qof sacuudi ah, wuxuu rabay inuu la galo suunka qarxaya si uu u dilo dad badan.

muslimiinta waa lagu dhex jiraa cadowga qaabab badan ayuu u weerarayaa dad islaamka ah, maanta marka laga hadlo diinta waxaad arkaysaa qof kasta wuxuu ka dhigtay hawadiiisa diin, diinta xaqa ah ma rabaan dadka.

fitnada si daran ayay u soo badatay, shiica iyo sunno ayaa isku dhegan sunnadii ayaa is haysta shiicadii sidaas oo kale, dadka muslimiinta waxay marayaan marxad adag.