Jinni ama jin waxaad ku magacaawdo waa wax jira oo la yaqaano oo ka mid ah waxyaalaha Ilaahay abuuray, jinka waa sida insiga oo kale waxaa la faray inay Ilaahay rumeeyaan oo diintiisa qaataan, sida Quraanka uu sheegay jinka waa ummad laga rabo wixii laga rabay dadka.

Jinka ma laga yaabaa inuu dadka galo?

Waxaa la dhahaa qofkan jin baa maray haddii qofka uu ku dhacay wareer gaar ah oo caqliga tagsiiya, sidoo kale waxaa la dhahaa dabayl ayaa martay hebel taas oo laga wado isla macnaha aan sheegay, hasee ahaatee jinka waa ka duwan yahay dadka waxaa laga abuuray dab wuuna ka fudud yahay xagga socodka iyo xagga dhaqaaqa, awoodna waxaa loo siiyay inuu qofka dhex galo ama dardaro, quraanka wuxuu sheegay jinka inuu na arkayo laakin annaga annu arki karin, waxaa jira jirrada maskaxda ama caqliga taas  iyo jinka aad bay u kala duwan yihiin, jinka waa cudur ka duwan jirrada maskaxda ama nafsiga ah, waxaa kaloo jira sixir oo jinka xiriir la leh, qofka saaxirka ah wuxuu adeegsadaa jinka laakin uma samaynayaa sida isaga rabo markuu ku dhaqaaqo fal iyaga ay rabaan mooyee, qofka marka ay gaalnimo galiyaan ayay wax yar u qabtaan, saxarada waxay adeegsadaan jinka wax kasta ayay ku fuliyaan.

Gabdhaha muxuu ugu dhacaa jin?

dumarka quruxda badan ayuu aad u dhibaa waxaa laga yaabaa inuu wareeriyo gabdhaha qaar siiba marka ay dhar soo gashtaan oo aad u nuuraya, sidoo kale marka ay leeyihiin jamaal waxaa dhici karta inuu ka dhex hadlo isagoo iska dhigaya qof gaar ah, marka waxaa lagu daaweeyaa quraan si uu uga baxo qofka uu ku jiro.