Sinada waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn oo uu qofka ku dhaco wuxuu kaga fogan karaa siyaabo badan oo aannu halkan ku xusi doonno, marka hore maxaa kuu neeni kara sinada ma taqaanaa? waa inaad u dhawaato sababaheeda kala duwan waxaa ka mid ah inaad naag xaaran ah meel la gasho khalwo inaad la gasho ama adoo iska dhaadhicinaya gabdhan shukaanso la saaxiib waxaad ku dhacaysaa sinada adoon is ogayn, marka aad kacsato miyir ma lihid sinadana ninka muslinka ma samayn karo isagoo miyirkiisa xaadir ah, waxaa kaloo aad kaga fogaan kartaa inaad ka fogaato fiirinta dumarka, waayo marka aad fiiriso haweenka jirkaaga wuxuu dareemayaa kacsi iyo raaxo waxaad bilaabaysaa inaad ka fikirto gabar si aad ku heli lahayn oo aad ugu raaxaysan lahayd, shayddaanna wuu kuu sahlayaa wuxuu kaaga dhigayaa in arinta ay fududahay, immisa qof sino ku dhacday oo sidaas ku halaagsamay, zinada cayaar ma aha qofka marka uu zinaysanayo waxaa la sheegay in iimaanka laga siibayo, sidoo kale barakada ayaa kaa tagayso, waxaa kaloo la sheegay in zinada ay dayn kugu tahay haddii aad ka sinaysato naag adigana ehelkaaga ayaa laga sinaysanayaa, sida hooyada walaasha eeddada habaryarta gabadha, marka sinada waxaad uga fogaan kartaa inaad soo xirto waddooyinka kuu keeni kara inaad falkaas samayso.

Zinada haddii aan ku dhaco maka towbad keeni karaa?

towbadda way furan tahay dambi kasta aad gasho waad ka towbad keeni kartaa marka la helo shuruudda towbada, cid kaa celin karto ma jirto inaad ka towbad keento dunuubta aad gashay, haka quusanin naxariista Alle waayo Alle dambiyada oo dhan ayuu dhaafayaa.