Gabdhaha gashaantda waxaa laga wadaa gabdhaha hadda soo qaangaaray oo naas abiyowga keenay, gabdhahaas xanaaqooda aad buu u fudud yahay, xanaaqaas waxaa u keena da'da yar waxaa laga yaabaa wax yar haddaad ku dhahdo hadal kaftan xataa inay kaa xanaaqdo, sidaa awgeed ninkii guursada gabar yar waa inuu u dulqaataa waa inuu u sabraa oo adkaystaa, gabdha marka ay ka gudubto da'da yaraanta markaas ayay galaysaa heerka bislaanshaha waxaa kaloo jira naagta marka ay yar tahay aad bay u xasaasiyad badan tahay waxayna u baahan tahay in la koolkooliyo oo la qoslisiiyo oo loo sabro, ninka sabraa sedkiisa helaya, laakin haddaad kual dhaqanto si qalafsan waxaa laga yaabaa inay kaa dido.

Gabdhaha yaryar iyo kuwa weyn xadkee u dhexeeya xagga da'da?

gabar yar waxaa laga wadaa gabdha marka ay qaangaarto ilaa 19 sano ay ka gaarayso da'dan u dhexaysa labadan da' gabdha wali waa yar tahay, ma fahmi karto wixii u roon, xitaa jacaylka ay jaclaanayso ninka ma aha mid ku salaysan aragti sax ah, waxaa laga yaabaa ninka inuu been ku cabo xitaa aabaheeda ay ka soo tagto oo ninkan shan maalin keliya ay is yaqaanaan ay raacdo, aabaheeda oo soo koriyay oo soo barbaariyay inay ka tagto, masaafada nikaaxa lagu magacaabo waxaa keenay xaaladahan aan hadda sheegayno.

Jacaylka naagaha yaryar iyo kuwa weyn miyuu kala duwan yahay?

naagta marka ay dhaafto 25 waxay fiirisaa waxa iyada dan ugu jirto hadalka ninka kuma siranto haddii wiilka uu ku dhaho abaayo waan ku jeclahay hadalka kama soo qaado inuu qiime leeyahay, laakin haddii ninka uu yahay nin fiican waxaa laga yaabaa ereygaas inay tixgaliso, laakin gabdha yar ereyga keliya ayaaba ku filan xitaa ninka hadduu yahay beenaale ay beentiisu caddahay.