Sheekada wiil waal soomaalidu aad bay u sheegtaa, waxaa la dhahaa wuxuu ahaa wiilwaal qof geesi ah oo xoog badan, dadka cadowgiisa waxay rabeen inay dilaan, isaga iskama dhigi jirin waran ama eebada markuu hurdo galo mooyee, walaashiisa waxay u sheegtay cadowga isaga rabay inuu dilo, inay u dhawaaqayso wwesha ayr markaas waa baaq oo ay ku tilmaamayso waalkeeda inuu seexday, marka habeenka la gaaray oo wiilwaal uu seexday waxay samaysay gabdha walaashiisa ah baaqi ay kula heshiisay dadka rabay inay ka takhalusaan walaalkeeda, marka ay dhawaaqday walaalkeeda wuu shakiyay waayo waligeeda ma aysan dhawaaqin, markaas ayuu la soo booday seeftiisa iyo gamuunkiisa meesha ayuu ku dilay dadka isaga soo wweaeray oo rabeen inay dilaan sidoo kale walaashiisana meesha ayuu ku dilay, sheekada wilwaal suugaanta soomaalida ayaa laga helayaa, waa sheeko soomaali aad u taqaano.