Rag markuu rabo naag wuxuu u soo maraa waddo kasta uu ku heli karo naagtaas, waxaa laga yaabaa inuu isu dhiibo naagta uu rabo hadduu uu hayo lacag wuxuu ku bixiyaa lacagtaas siduu u heli lahaa gabdhaas, jacaylka dhabta ah iyo lacag la isuma barbardhigi karo, hablaha iyo ragga way ku kala duwan yihiin jacaylka ninka iyo naagta haddii aysan is fahmin isla noolaan karaan, sheekada maanta dunida ka jirta waa maslaxd inta badan, naagta iyo ninka waxaa laga yaabaa inay is jecel yihiin laakin naagta ninka inay u dayriso oo ay ku dhahdo kuma rabo ninkana uu soo taagan yahay anaa ku rabo, waxaan kuu sheegaa haddii naag aysan ku rabin layskuma daaliyo, waayo haddii aad guursato naag aan ku rabin lagama yaabo inay daacad kuu noqoto gogoldhaaf ayay kaaga baxaysaa sheekada haddii aysan Ilaahay ka baqaynin, waa laga fogaadaa naag aan ku rabin, waxaa fiican inaad guursato gabar ku jecel ha isku dhibin bilcaan aan ku rabin, astaamaha jacaylka waa inay ka muuqdaan gabdha aad guursanayso.

ninka marka loo deeriyo waa inuu ogaadaa naagtan inaysan rabin, haddii aad ku sii socoto sheeko noocan ah dhib yaad kala kulmaysaa